Bayern Munich Oo U Quus-goysay Chelsea & Xiddigii Uu Tuchel Raadinayey

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa si rasmi ah ugu quus-goysay Chelsea oo raadinaysay fursad ay ku heli karto weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski, kaas oo qandaraaskiisa Munich ay ka hadhsan yihiin laba sannadood.

Madaxweynaha Bayern Munich ee Herbert Hainer ayaa sheegay, in Haaland aanu tegi doonin Chelsea, isla markaana uu dhamaysan doono labada sannadood ee ka hadhay qandaraaskiisa oo soconaya illaa 2023.

Lewandowski ayaa xagaagan si weyn loola xidhiidhiyey inuu tegayo Chelsea, gaar ahaan labadii usbuuc ee ugu dambeeyey iyadoo uu tababare Thomas Tuchel ku qalqaalinayay kooxdiisa in ay keento weeraryahan tayo sare leh oo ku fiican dhalinta goolasha ka hor inta aanu bilaabmin xilli ciyaareedka 2021-22.

32 jirkan ayaa soo galay diiradda Chelsea markii uu Erling Haaland oo Borussia Dortmund afka hore uga ciyaaraa uu dhabarka u jeediyey ee uu u sheegay in uu joogayo horyaalka Bundesliga.

Si kastaba, madaxweynaha Bayern Munich ayaa si rasmi ah ugu quus-gooyey Chelsea, waxaanu yidhi: “Aragtidayda, Lewandowski waa weeraryahanka ugu wanaagsan adduunka, aad ayaananu ugu faraxsanahay in uu kooxdayada joogo.

“Labada sannadood ayaa wali ka hadhsan qandaraaskiisa, waanu sii joogayaa Bayern Munich muddadaas. Toddobaadyo ka hor ayaan hore idiinku sheegay, waxaanan rajaynayaa in xataa muddo intaas ka badan uu joogi doono. Wuu sharfi doonaa qandaraaskiisa, hubaashiina wuu joogi doonaa labada sannadood halkan, Bayern Munich.”

Dhinaca kale, Bayern Munich ayaa Chelsea ka doonaysa laacibka da’da yar ee khadka dhexe ee Emran Soglo oo ay da’diisu tahay 16 jir, kaas oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Munich, tababarkana la qaadanayay ciyaartoyda Bayern.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More