Arsenal & Raheem Sterling Oo Hawada Iska Helay & Heshiis Weyn Oo U
Arsenal ayaa hogaamineysa tartanka saxiixa Raheem Sterling iyadoo heshiiskaan uu meesha ka saari karo heshiiska uu Harry Kane ugu wareegayo Manchester City.
Xiddiga garabka ka ciyaara ee Ingariiska oo 26 sanno jir ah ayaa booskiisa Manchester City waayay bilihii ugu danbeeyay ka dib markii uu soo baxay Phil Foden.
Madaama uu Sergio Aguero si xor ah ugu wareegay Barcelona, Guardiola ayaa doonaya inuu la soo saxiixdo weeraryaahn cusub oo ugu danbeyn ka caawiya kooxdiisa ku guuleysiga Champions League ka dib markii koobka laga qaado Sabtidii.
Man City ayaa si weyn u dooneysa inay la soo wareegto weeraryahanka Tottenham Harry Kan eoo lagu qiimeeyo 150 milyan ginni.
Guardiila ayaa diyaar ah inuu Sterling iyo Gabriel Jesus iyo lacag ku soo jiito Tottenham si uu u la wareego Harry Kane.
Inkastoo uu Aguero baxay, Jesus weli looma arko inuu yahay nin hogaamin kara weerarka Manchester City.
Laakiin Tottenham ayaan awoodi karin inay bixiso mushaharka ay dalbanayaan Raheem Sterling iyo Gabriel Jesus iyadoo Sterling uu qaato mushahar gaaraya 300 kun ginni todobaadkii.
Heshiiskaas ayaana burburi kara madaama ay Arsenal hogaamineyso tartanka saxiixa xiddigii hore ee Liverpool.
Xiddiga reer London Sterling ayaa ku dhawaa inuu u saxiixo Gunners xagaagii 2010 markii uu ka mid ahaa da’ yarta kooxda QPR.
Weeraryahanka ayaase Arsenal ka doortay inuu heshiis 600 kun ginni ugu wareego Liverpool.
Laakiin Sterling ayaa haatan ugu danbeyn u wareegi kara Emirates Stadium iyadoo Arteta uu uu jecel yahay xiddigaan.
Arsenal ayaa bixin karta mushaharka Sterling uu dalbanayo madaama ay Pierre-Emerick Aubameyang ay durbaba siiyaan lacag ka badan 300 kun ginni isbuucii halka Mesut Ozil uu Gunners ka qaadan jiray 350 kun ginni todobaadkii.
Sterling ayaa Man City kaga soo biiray Liverpool xagaagii 2015 heshiis 44 milyan ginni ahaa, waxaana weli qandaraaskiisa kaga harsan labo sannadood.
Xiddiga garabka ka dheela ayaa dhaliyay 15 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, laakiin boos joogta ah ayuu waayay madaama uu soo baxay xiddiga Ingariiska Phil Foden.