Arsenal Iyo Liverpool Waa Habeen Iyo Maalin & Seddex

Liverpool ayaa sii wadata guulaha ay ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub iyagoo 3-1 kaga badisay kooxda Arsenal oo marti ku aheyd Anfield iyadoo sagaal dhibcood haatan hogaanka kula haya Leicester City iyo Everton.

Kulankii maanta waxay soo bandhigeen wacdarahooda weerarka iyo khadka dhexe iyadoo uu ka maqnaa kabtankooda Jordan Henderson iyo saxiixooda cusub Thiago laakiin daafacooda ayaa walwal ku abuuraya Klopp.

Waxaan eegeynaa seddex waxyaabood oo aan ka baranay kulankii caawa.

Arsenal Iyo Liverpool Waa Habeen Iyo Maalin

Arsenal waxay kubada heysatay kaliya boqolkiiba 34, waxay heleen kaliya afar darbo marka loo eego Liverpool oo heshay 21 darbo oo ay goolka ku bartilmaameedsadeen, waxayna taasi muujineysaa inay Gunners wado dheer u jirto inay soo qabato Liverpool inkastoo kooxda ay ku riyooneyso inay meel sarre gaarto ka dib qorshahooda dib u dhiska.

Xiddigaha Jurgen Klopp waxay dhalin kareen in ka badan seddex gool halka Alisson uu labo jeer fursado dahabi ah ka beeniyay Lacazette ka dib goolkiisii furitaanka, fursadaha intooda badan waxaa heshay kooxda horyaalka difaacaneysa.

Caawa ma aheyn habeenkii Aubameyang

Wuxuu doonayay in kaar la siiyo Fabinho daqiiqadii 69aad, waana marka kaliya ee ay diirada qabatay ciyaarta oo dhan. Aubameyang wuxuu kubada taabtay kaliya 23 jeer, wuxuu dhameystiray 7 ka mid ah 16 baasas uu sameeyay, taasoo muujineysa in Aubameyang oo rakaab ka ahaa ciyaartii caawa ee Anfield.

Walwalka Liverpool

Inkastoo Liverpool ay guulo ka gaartay labo ka mid ah kooxaha waa weyn ee Premier League labadii isbuuc ee ugu danbeysay, hadana waxaa jira calaamad su’aal dul saaran kooxda difaacaneysa horyaalka.

Reds waxaa seddexdii kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedka laga dhaliyay afar gool iyadoo daafacooda uu u muuqda mid ka jilcan sidii ay ahaayeen xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Daafacyada sida Virgil van Dijk iyo Robertson ayaa ka mid ah kuwa sameeyay qaladaad waa weyn kulamadii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan, Klopp ayaana u baahan inuu daafaciisa boorka ka jafo si ay u joogsadaan goolka ka dhalanaya goolhaye Alisson.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More