Actual Madrid Oo Weerar Ku Ah Metropolis, Chelsea Oo Liverpool Iyo Man United

Mulkiilayaasha Manchester United ayaa diyaar u ah inay dalab 90 Milyan oo pound ah ka gudbiyaan weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane iyaga oo iska jeedinaya kacdoonadii dhawaan lagaga soo horjeeday. (Solar)

- Advertisement -

United ayaa sidoo kale kooxaha West Ham iyo Tottenham kula biirtay tartanka loogu jiro saxeexa goolhayaha West Bromwich ee Sam Johnstone oo 28 sano jir ah iyaga oo isku diyaarinaya bixitaanka David De Gea. (ESPN)

Man United ayay sidoo kale macquul tahay inay u wareegto dhinaca goolhayaha Aston Villa ee Tom Heaton oo 35 sano jir ah haddii uu Johnstone doorto West Ham oo uu fursad ciyaareed ka helayo. (Star)

Actual Madrid ayaa qiimaynaysa xaalada Raheem Sterling oo 26 sano jir ah isla markaana Manchester Cuty 75 Milyan oo pound kaga tagi kara xagaaga. (Soccer Insider)

Carlo Ancelotti ayaa doonaya inuu Everton qaab amaah ah ku keensado Gareth Bale xilli ciyaareedka dambe, xiddigaha ree Wales ayaa hadda amaah kula jooga Tottenham. (El Chiringuito, by way of Sport Witness)

Chelsea ayaa tartanka Jadon Sancho la geli karta Manchester United iyo Liverpool kaddib markii ay Borussia Dortmund hoos u dhigtay qiimihiisa. (Bild, by way of Soccer London)

Dortmund ayaa lacag 85 Milyan oo pound ah ku dalban doonta iibka Sancho xagaaga waana lacag wali ka badan inta ay Man United doonayso inay bixiso. (Eurosport)

Agaasimaha ciyaaraha Dortmund ee Michael Zorc ayaa si cadaan ah u sheegay inay heshiis kula gaadheen Sancho inay fasaxaan xagaaga haddii ay dalab macquul ah helaan. (ARD, by way of Metro)

David Luiz oo 34 sano jir ah ayaa ku jira bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa Arsenal, wakiiladiisa ayaa bilaabay inay kooxo ka tirsan horyaalka MLS-ka Maraykanka saxeexiisa u bandhigaan. (CBS Sports activities)

Bayern Munich ayaa xiisaynaysa saxeexa 22 sano jirka daafaca midig ee Inter Milan ee Achraf Hakimi, Arsenal ayaa sidoo kale xiddigaas ree Morocco isha ku haysay.. (Specific)

Tottenham ayaa weeraryahan kale suuqa xagaaga ka raadin doonta iyagoo aan la filayn inay heshiiska amaahda ah ee uu hadda Carlos Vinicius kula joogo mid rasmi ah ka dhigaan. (Sky Sports activities)

Norwich Metropolis 24 sano jirkeeda khadka dhexe ee Emi Buendia ayaa ah mid si weyn suuqa looga doonayo, Leeds United ayaa hadda saxeexiisa lala xidhiidhinayaa xilli ay hore u doonayeen kooxaha kala ah Arsenal, Aston Villa, Crystal Palace, West Ham, Atletico Madrid, Sevilla iyo Villarreal. (Footmercato – in French)

Madaxweynihii hore ee Inter Milan ee Massimo Moratti ayaa kula taliyay kooxdiisii hore inay isku dayaan saxeexa 30 sano jirka khadka dhexe ee Chelsea ee N’Golo Kante (Sky Sport Italia – in Italian)

Borussia Dortmund ayaa xiisaynaysa inay 27 sano jirka ree England ee Alex Oxlade Chamberlain kala wareegto Liverpool. (Fichajes – in Spanish)

Barcelona ayaa xidhiidh hordhac ah la samaysay kooxda Flamengo oo ay ka doonayaan saxeexa 23 sano jirka khad ka dhexe ee Gerson. (ESPN – in Portuguese)

Weeraryahanka kooxda Lyon ayaa xiisaynaya inuu Barcelona u saxeexo isaga oo xilli horeba guri uu dego ka raadsaday magaaladaas. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Massimiliano Allegri ayaa shaaciyay rabitaankiisa ah inuu kusoo laabto kubadda cagta, Allegri ayaa lala xidhiidhinayaa kooxdiisii hore ee Juventus sidoo kale Actual Madrid ayaa dookh kale u ah. (Tuttosport – in Italian)

Roma iyo Inter Milan ayaa ku tartamaya saxeexa khadka dhexe ee ree Uruguay ee Nahitan Nandez oo Cagliari ka tirsan. (Calciomercato – in Italian)

Bayern Munich ayaa hoggaaminaysa tartanka ay kula saxeexannayso 17 sano jirka khadka dhexe ee Aston Villa Carney Chukwuemeka. (Soccer Insider)

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More