Skip to content
Tuesday, October 6, 2026 23 Rabi al-Thani 1448 AH Asr 14:59
Muqdisho 29°C
Breaking: Somalia Navigates Regional Ties With Ethiopia, Egypt and Eritrea
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Wiilal dhalinyaro ahaa oo lagu dilay Caasimadda Muqdisho – Ca…

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Muqdisho (Axadle) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal qorsheysan oo xalay siyaabo kala duwan uga dhacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Dilka koowaad oo loo geystay wiil dhalinyaro ahaa oo magaciisa lagu soo koobay Nuuradiin ayaa ka dhacay xaafadda Siigaale ee degmada Hodan, waxaana toogasho ku dilay nin ku hubeysnaa oo la sheegay inuu askari, sida ay ku warrameen dad goobjoogayaal ah.

- Advertisement -

Wararka ayaa sheegaya inuu baxsaday ninkii dambeeyey dilkaasi, waxaana goobta goor dambe tegay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta dilkan ka dambeysay, balse marxuumka ayaa ka mid ah dhalinyarada aadka looga yaqaanay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa xalay wiil kale oo dhalinyaro ahaa kooxo hubeysan oo burcad ah ay ku dileen qeybo ka mid ah degmada Dayniile, iyagoona kadib goobta isaga baxsaday.

Burcadda ayaa la sheegay inay marxuumka ka dhaceen taleefoon gacanta ah oo uu watay, balse ka hor murmeen, taas oo keentay inay rasaas ku furaan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale u sheegay Axadle in marxuumka oo lagu magacaabi jiray Jabriil Cabdi Aadan la geeyey xarunta laanta dambi baarista ee CID.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa Caasimadda Muqdisho kusoo badanayey falalka dhaca oo ay si weyn uga cabanayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolka Banaadir

How do you rate this story?

0 votes