Sacuudi Carabiya oo sheegtay in ay qabatay “unug argagixiso”

Muslimiinta Suniga ah ee Sacuudi Carabiya iyo Shiicada Iran ayaa sidoo kale ku xayiran dagaallo dhowr ah oo wakiillo ah oo ka socda gobolka, oo ay ku jiraan Yemen iyo Suuriya oo deris la ah.

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa sheegaysa in ay qabatay “unug argagixiso” oo tababar ka helay Ilaalada Kacaanka Iiraan, xarig 10 qof iyo qabashada hub iyo walxaha qarxa, halka Tehran ay leedahay eedeyntu waa “been abuur dhameystiran”.

Af-hayeen u hadlay madaxtooyada Sucuudiga ayaa ku sheegay hadal uu daabacay maanta oo Isniin ah wakaaladda wararka ee Saudi Press Agency in saddex ka mid ah dadka la qabtay lagu soo tababaray Iiraan halka inta kalena “lala xiriirinayo in ay xiriir laleeyihiin kooxda la qabtay”.

Xubnaha la qabtay “waxa ay heleen tababar milatari iyo mid sirdoon, oo ay ku jiraan sida loo sameeyo walxaha qarxa, gudaha goobaha Ilaalada Kacaanka ee Iiraan” dhowr toddobaad dhammaadkii 2017, ayuu yiri.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in hub iyo walxaha qarxa lagala baxay laba goobood oo kala ah guri iyo beero ku yaal gobolka Khaliijka Carabta oo ah dalka ugu badan ee dhoofinta shidaalka isla markaana ah saaxiibka ugu weyn ee Mareykanka.

Waxyaabaha la qabtay waxaa ka mid ah walxaha qarxa oo la farsameeyay (IEDs), daraasiin qoryaha fud-fudud ah, kiilo baaruuda iyo noocyo kala duwan oo qoryo iyo bistoolado ah, sida lagu sheegay bayaanka. Ma sheegin halka duulaanka ama howlgalka todobaadkii hore laga fuliyay.

“Hay’adaha awooda u leh waxa ay baaritaan ku sameyn doonaan dhamaan dadka la xiray si loo helo macluumaad dheeri ah oo ku saabsan howlahooda iyo dadka ku xiran boqortooyada iyo dibada” ayaa lagu yiri bayaanka.

‘Been dhammaystiran’

Isagoo ka jawaabaya, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Iran Saciid Khatibzadeh ayaa Talaadadii ku tilmaamay sheegashada Sacuudiga “been abuur dhammaystiran” iyo sii wadida mowqifka boqortooyada “aan la aamini karin oo soo noqnoqonaya”.

“Isagoo dhinac iska dhigaya caqliga siyaasadeed, isla markanna qayb ka ah bandhig waali ah, hogaamiyayaasha Sucuudigu waxa ay doorteen khiyaano been abuur ah oo ka dhan ah Iran in ay tahay hub ay ku weeciyaan aragtida dadweynaha iyo hab lagu daboolayo dadaalladooda dhicisoobay” ayuu ka sheegay shirka jaraa’id oo uu qabtayTehran.

Khatibzadeh wuxuu sheegay in hababkan oo kale aysan ka faa’iideysan doonin Sacuudi Carabiya wuxuuna ugu baaqay kuwa gobolka ku loolamaya in ay “doortaan waddo daacadnimo iyo xigmad leh”.

Muranka ayaa yimid toddobaad kadib markii Boqorka Sacuudiga Salmaan bin Cabdulcasiis uu ka codsaday Golaha Guud ee Qaramada Midoobay in la dejiyo xal dhameystiran oo lagu joojinayo “isbalaadhinta” Iran iyo in laga hortago Tehran “in ay hesho hubka wax gumaada”.

Iiraan waxa ay sheegtay in boqortooyada ay qalloocineyso xaqiiqda oo ay ku tilmaamtay in ay tahay “taageerada ugu weyn ee xagga dhaqaalaha iyo saadka ee argagixisada gobolka”.

Riyadh ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Tehran ka dib weeraradii 2016 ee mudaharaadayaasha ka dhacay xafiisyadeeda Iran ka dib markii boqortooyada ay xukun dil ah ku fulisay hogaamiyihii shiicada ee la odhan jiray Sheikh Nimr al-Nimr

Muslimiinta Suniga ah ee Sacuudi Carabiya iyo Shiicada Iran ayaa sidoo kale ku xiran dagaallo dhowr ah oo wakiillo ah oo ka socda gobolka, oo ay ku jiraan Yemen iyo Suuriya oo deris la ah, halkaas oo ay ku sugan yihiin ku-xigeennada kooxda Shiicada Lubnaan ee Xisbullah oo taageeraya madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad.

Riyaad waxa ay Iran ku eedeysay gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee aan horay loo arag oo lagu qaaday xarumaha saliida ee boqortooyada sanadkii hore, eedeymaha ay Tehran beenisay.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More