Maraykanka iyo Shiinaha oo ku baaqay joojinta dagaalka

Madaxweyne Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in maamulku uu isha ku hayo rabshado ka dhex qarxay Armenia iyo Azerbaijan oo ku saabsan muranka la isku muransanyahay ee Nagorno-Karabakh kaas oo ay ku dhinteen daraasiin dad ah iyo kor u kac cabsida laga qabo dagaal ballaadhan oo u dhexeeya labadaan wadan ee dariska ah.

Ugu yaraan 24 qof ayaa lagu dilay dagaalkaas oo maalinkii labaad socda.

Labada dhinac ayaa muddo dheer isku khilaafsanaa kala goynta gobolka Nagorno-Karabakh, oo ah dhul caalami ah oo la aqoonsan yahay Azeri laakiin waxaa maamula qowmiyadaha Armenia sida Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday ee Artsakh.

Labada dowladood waxa ay galeen dagaal intii u dhaxeysay 1988 – 1994 gobolka, oo ka go’ay Azerbaijan kadib burburkii Midowgii Soofiyeeti.

Tan iyo markaas waxaa jiray dagaalo goos goos ah iyo isku dhacyo laga soo wariyay xuduudka. Rabshadaha usbuucan ayaa ah kuwii ugu xooggana tan iyo 2016, markaas oo dagaal ay ku dhinteen boqolaal askari.

Madaafiic culus, diyaarado helikobtarro ah ayaa la geeyay goobaha dagaalka, iyadoo Warbixino soo baxaya ay sheegaya in ay jiraan qasaaro shacabka kasoo gaaray duqeymaha.

Labada dhinacba waxa ay sheeganayaan isdifaacid xadgudubka xudduudaha.

Markii la weydiiyay dagaalka Axadii, Trump wuxuu yiri:

“Aad ayaan u eegaynaa. Way dhacday uun. Waana ogahay. Waxaan ka bartay maanta iyo shalay. Oo aad ayaan u eegaynaa. Waxaan leenahay xiriirro badan oo wanaagsan aaggaas. Waan arki doonaa haddii aan joojin karno”.

Madaxweynuhu ma uusan faahfaahin sida U.S. isku dayi lahaa oo joojin lahaa rabshadaha.

Kaalmada militariga Mareykanka ee Azerbaijan ayaa kor u kacday kudhowaad $ 3 milyan 2016-17 ilaa $ 100 milyan 2018-19. Armenia waxa ay heshay $ 4.2 milyan ee kaalmada amniga Mareykanka ee 2018 miisaanid maaliyadeedka sanadka.

Dhanka kale Shiinaha ayaa Isniintii ugu yeeray Azerbaijan iyo Armenia in ay yeeshaan wadahadal siyaasadeed si loo xaliyo khilaafaadkooda.

Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Beijing, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Wang Wenbin wuxuu yiri: “Shiinaha waxay ugu baaqeysaa dhammaan dhinacyada inay isdajiyaan oo ay xakameeyaan khilaafka u dhexeeya Armenia iyo Azerbaijan.”

“Ilaalinta nabadda iyo xasilloonida gobolka waxay u adeegtaa danaha dhinacyada oo dhan, oo ay ku jiraan Armenia iyo Azerbaijan” ayuu yiri Wang, sida laga soo xigtay maalinlaha Shiinaha ee Global Times.

Waxaan rajeyneynaa in wadamada ay quseyso ay qaadi doonaan tilaabooyin si looga fogaado sii kordhinta iyo xalinta khilaafaadka iyo kala duwanaanshaha iyada oo loo marayo wadahadal siyaasadeed,” ayuu yiri afhayeenka wasaarada arimaha dibada Shiinaha.

Xiriirka labada dal ee hore uga tirsanaan jiray Midowgii Soofiyeeti ayaa xumaa tan iyo 1991, markii militariga Armenia ee Nagorno-Karabakh, oo ah dhul caalami ah oo laga aqoonsan yahay Azerbaijan.

Afar Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey iyo labo qaraar oo ka soo baxay Golaha Guud ee Qaramada Midoobey iyo weliba ururo badan oo caalami ah ayaa dalbanaya in laga baxo xoogaga heysta.

Kooxda OSCE Minsk – oo ay si wada jir ah u gudoominayeen Faransiiska, Ruushka iyo Mareykanka – waxaa la sameeyay 1992 si xal nabadeed looga gaaro khilaafka, laakiin wax natiijo ah lagama gaarin. Xabad joojinta, si kastaba ha noqotee, waxaa lagu dhawaaqay 1994.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More