Ciidanka DFS & Al-Shabaab oo ku Dagaalamay Gobolka Shabeelah

Ciidamada Militariga DFS iyo Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay deegaanno u dhaxeeya Balcad iyo Basra Gobolka Shabeelaha Dhexe oo katirsan DG Hir-Shabeelle.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamo katirsan Militariga DFS Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan ka sameeyeen deegaanno la sheegay in ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Iska hor imaadka ayaa ka dhacay duulooyin hoostaga Deegaanka Basra sida Axadle ay u xaqiiyeen ilo xog ogaal ah, waxaana ka dhashay khasaare badi gaaray dhinacyada dagaalamay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerar Jidgal ah ay ku qaaday kolonyo gaadiid dagaal ah oo ay wateen Ciidamada Dowladda Federaalka, isla markaana mararay wadada isku xirta Basra & Balcad.

Kolonyada Ciidamada ayaa mareysay inta u dhaxeysa Basra & Balcad, waxaana Al-Shabaab sheegatay in ay gubtay mid kamid ah Gawaarida ciidanka gaar ahaan nuuca Soomaalidu u taqaan Cabdi Bilaha.

Dowladda Federaalka kama aysan hadlin sheegashada Al-Shabaab ee ah in ay weerar jidgal ah ku qaaday, isla markaana ay gubtay gaari ay wateen militariga Soomaaliya oo howlgalkaas qayb ka ahaa.

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa inta u dhaxeysa labada Shabeelle u arka in weerarada Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Dhexe kasoo abaabusho deegaannada ka xiga dhanka Shabeelaha Hoose.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More