Beesha Caalamka oo Qabyo ku tilmaamtay heshiiska DFS & DG.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa looga hadlay heshiiskii 15-ka qodob ka koobnaa oo 17-kii bishaan September 2020 wada gaareen Madaxda DFS, DG iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Beesha Caalamaka ayaa sheegtay in heshiiskaas uusan gaarsiisneen heerkii laga rabay, waxaana ay ku tilmaamtay mid qabyo ah oo u baahan dhameystirka waxyaabaha ka maqan ee lama huraanka u ah.

“Saaxiibada beesha caalamka waxa ay garwaaqsanyihiin heshiiskii ay ku dhawaaqeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed ee Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DGXF), heshiiskaas oo la xiriira geedi-socodka doorashooyinka 2020/21” ayaa lagu bilaabay Warsaxaafadeedka.

“Waxa ay qirayaan in heshiiskaan uu ka dhashay wadahadal ay Soomaali garwadeen ka tahay isla markaana ay Soomaali leedahay, kaas oo dhexmaray madaxda DFS iyo DGXF, waxayna saaxiibadu fahamsanyihiin in qaar kamid ah faahfaahinta geedi-socodkii lagu heshiiyay aan weli la caddeynin, oo saamilley dheeraad ah lagala tashan karo” ayaa la raaciyay qoraalka beesha Caalamka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “Saaxiibadu waxa ay iyaga oo ka xun arkayaan in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha Baarlamaanka ee wareeggan doorasho. Saaxiibadu waxa ay ku baaqayaan in geedi-socodka doorasho ee 2020/21 ay noqoto mid xor ah, xalaal ah, daah-furan oo loo dhan yahay”.

Warsaxaafadeeedka Beesha Caalamka oo dheeraa ayaa lagu yiri “Iyada oo la eegayo mustaqbalka, saaxiibada beesha caalamku waxa ay dhiirigelinayaan in horumar dhakhso ah laga gaaro dhismaha Hay’adaha kale ee dimoqraadiyadda Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan guddiga adeegga garsoorka iyo guddiga xuquuqul insaanka, iyada oo ay barbar-socdaan dadaallada lagu horumarinayo dib-u-eegista Dastuurka KMG ah iyo in la xaqiijiyo dhowridda ballanqaadyada caalamiga ah ee khuseeya xuquuqul insaanka”.

Beesha caalamka ayaa taageertay dadaal waliba oo lagu gaari karo xasilooni sida ku cad warsaxaafadeedkeeda “Saaxiibadu waxa ay sidoo kale soo dhoweynayaan khariidad/tub ay la socdaan bartilmaameedyo qeexan oo ay ku heshiiyaan madaxda siyaasadda Soomaaliya, si loo xaqiijiyo horumar dimoqraadiyadeed dhab ah/ la taaban karo oo horay loogu sii socdo”.

“Saaxiibada Beesha Caalamku waxa ay ugu baaqayaan madaxda DFS iyo DG in ay sii wadaan kulamada joogtada ah iyaga oo yeelanaya wadahadal iyo isu-tanaasul si wax looga qabto arrimaha degdegga ah ee hortabinta qaran leh oo ay kamid yihiin dib-u-habaynta amniga, dhaqaalaha iyo sidoo kale siyaasadda loo dhanyahay” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Warsaxaafadeedka Beesha Caalamka laga sugayay 4-tii Cishe ee lasoo dhaafay.

Warqadda waxaa ku saxiixnaa Belgium, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Japan, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Suudaan, Sweden, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Dowladda Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More