Muqdisho (Axadle) – Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta khudbad ka jeediyay munaasibadii 1-da Luulyo ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah.
Farmaajo ayaa khudbadiisa isku dul-taagay ‘waddaniyada’ oo uu sheegay inay soo noqotay muddooyinkii dambe, asaga oo tusaale usoo qaatay dhalinyaro badan oo sanadkaan u dabaal-dagayey munaasibada 1-da Luulyo.
Waxa uu ka dhawaajiyey in dalka ay isku hayaan labo qolo, kuwaasi afkaaro kala duwan ah oo Waddaniyada iyo Qabyaalada, islamarkaana…