Xaaji Warsame oo war kasoo saaray dagaalkii Beledweyne

Beledweyne (Axadle) – General buukar Xaaji Warsame Xuud oo ah hoggaamiyaha golaha la magac-baxay Kacdoonka Hiiraan ayaa faah faahiyey dagaal u dhexeeyey maleeshiyaadkiisa iyo ciidamada dowladda oo saaka ka dhacay Beledweyne. Xuud oo wareysi gaar ah siiyey Radio Mustaqbal ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkaasi uu geystay khasaare kala duwan, wuxuuna qiray inay dhankooda uga dhaawacmeen 2 askari. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dagaalka ka qarxay Beledweyne uu yimid, kadib markii sida uu sheegay looga baxay heshiis ay…

Wararkii ugu dambeeyey dagaal saaka ka qarxay Beledweyne

Beledweyne (Axadle) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka dagaal uu ka qarxay bartamaha magaalada, kaas oo u dhexeeyey ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaad taabacsan Janaraal Abuukar Xuud. Dagaalka xoogiisa waxa uu ka dhacay xaafadaha Nuur Xawaad iyo Dhagax Jabis, kadib markii ay gudaha u galeen maleeshiyaadka uu wato Xuud oo kasoo horjeedo HirShabelle. Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad muddo…

Xog: Loolanka gudoomiyaha guddiga doorashada ee la dooranayo…

Muqdisho (Axadle) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer Federal (FIEIT) oo uu 19-June-2021 magacaabay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Muuse Geele Yuusuf waxa uu u doortay guddoomiye KMG ah oo fududeynaya doorashada guddoomiyaha iyo kuxigeenka FIEIT si loo fududeeyo hirgelinta doorashada xubnaha Baarlamaanka Federaalka. Sida lagu sheegay War ka soo baxay…

Xog: Afgooye oo Farmaajo u gudbiyey dacwad ka dhan ah Filish…

Muqdisho (Axadle) – Warqad ka soo baxday xafiiska Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) oo ah cabasho ka dhan guddoomiyaha maamulka gobalka Banaadir iyo ku xigeenkiisa 1-aad Caana-boore ayaa la gaarsiiyay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.  Xog ay heshay Axadle ayaa tilmaameysa in xafiiska Hanti-dhowrka uu Madaxweyne Farmaajo u sheegay in musuq-maasuq ba’an uu ka socdo gobolka, islamarkaana…

Labada arrin ee uu qalday ABIY AHMED ee fashiliyey!

Siyaasadu waa shax lagu ciyaaro waayo aragnimo iyo khibrad dheeraad ah si aad guul uga gaadha , qofna kuma filna qalin iyo buug wax loogu dhigey oo kali ahi , waa in aad fahmi kartaa sida looga fekero ee loogu nool yahay meesha aad ku uuman tahay . Bilowgii hore isaga oo ka faaiideysanayey khibradiisii ciidan iyo waayihii ku soo maray Badame ayaa waxa uu qaatey go’aan taariikhda ku suntan oo ahaa kii nabada ee Erateria , waxaana uu soo af jaray colaad ku dhaweyd in ay siddon jirsato , waxa uu la heshiiyey jabhadihii…

Xusuusta 49 guuradii dilka halyey Gen. Salaad Gabeyre Kadiye…

Luulyo 3, 1972, abbaarahii 08:00 subaxnimo ayaa maanta oo kale ka soo wareegatay 49 sanno, dil murugo leh, si waxashnimo ahna loogu fuliyay General Salaad Gabeyre Kadiye, General Mohamed Aynanshe Guleid iyo Col. Abdulkadir Dheyl Abdulle. Dabcan, gacan ku dhiiglayaasha dilka sameeyay waxaa ugu weynaa kaligii taliyihii dowladdii Kacaanka Siyaad Barre, laakin dhagar qabayaalkii kale oo iyagana, sida firfircoon ugu lug yeeshay, ayaa laga xusi karaa…

Maxay tahay warbixinta ka careeysiisay shacabka Sucuudiga ee…

Shacabka dalka Sucuudiga ayaa si carro leh uga fal celiyey warbixin ku saabsan koox argagixo ah oo laga sii daayey telefishinka Al Ekhbariyaka dib markii warbixintaas ay salka la gashay magaca Allaha u Naxariistee Muhammad Nasiruddin al-Albani oo caan ka ah dalka Sucuudi Carabiya. Sida lagu sheegay warbixintaan uu sii daayey taleefashinka Al Ekhbariya ee uu fadhigiisu yahay magaalada Riyadh, Sheekh Nasir Al Din Al Baniwaa aasaasihii kooxda…

Daba-geed oo ku guuleystay inuu maamulka HirShabelle geeyo B…

Beledweyne (Axadle) – Waxaa la filayaa in maalinta berri ay markii ugu horreysay ay Golaha Wasiirada HirShabelle shir ku yeeshaan magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, waxaana shir guddoomin doono Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo sidoo kale ah ku simaha Madaxweynaha. Xog ay heshay Axadle ayaa sheegeysa in maanta inta badan Golaha Wasiirada HirShabelle ay ka dageen magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka…

Dilal qorsheysan Ee ka dhacay Muqdisho Iyo Xog ku saabsan

Muqdisho (Axadle)- Faah-faahino ayaa laga helayaa dilal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka kala dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho. Dilalkaan mas’uuliyadooda waxaa sheegtay dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana loo geystay askar ka tirsaneyd ciidamada dowladda Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa sheegtay inay maanta degmada Kaaraan ku dileen Shariif Muxudiin oo ahaa askari ka tirsanaa ciidanka minishiibiyada ee dowladda Soomaaliya canshuuraha uga uruuriya guryaha,…

Xog: Al-Shabab oo u yeeray macallimiinta dugsiyada ay maamus…

Muqdisho (Axadle) – Qaar kamid ah Macalimiinta ka shaqeeya dugsiyada ay maamusho dowladda Soomaaliya ayaa Axadle u sheegay in ay la soo xiriireen dagaalamayaasha Al-Shabaab, islamarkaana lagu amray in yimaadaan degaan ka tirsan gobalka Shabeellada Hoose. Macalimiintaan oo aan qarinay magacyadooda iyo dugsiyada ay dhigaan, sababo amni awgood, ayaa sheegay in arrintaan ay muddo soo socotay, islamarkaana ay la wadaageen dowladda Soomaaliya, gaar…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More