Muqdisho (Axadle) – Faah-faahino dheeri ah ayaa laga helayaa Qarax xoogan oo galabtii ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan maqaaxi lagu shaaho oo ku taalla isgoyska Jubba ee u dhaxeeya degmooyinka Boondheere iyo Shangaani.
Qaraxa oo uu fuliyay qof xiran suunka qaraxa loo adeegsado, ayaa waxaa ku dhimatay ilaa shan ruux, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacantay, sida ay dad goobjoog ah u sheegen Caasimada Online.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa dad badan, wuxuuna kusoo aaday qaraxu xili uu…