Xog: Madaxweyne Qoor Qoor oo iska wareejiyey

Dhuusamareeb (Axadle) – Ilo-wareedyo kala duwan ayaa Axadle u sheegay in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye uu iska wareejiyay go’aanka kursiga Beesha Sacad ee Aqalka Sare, oo loolan xooggan uu ka taagan yahay. Kursigan ayaa waxaa u taagan Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, waana mid ka mid ah kuraasta ugu loolanka adag Aqalka Sare. Wararka aan ka helayno Dhuusamareeb…

Wararkii ugu dambeeyey ee Kabul iyo militariga

Kabul (Axadle) – Millateriga Mareykanka ayaa si deg deg ah u joojiyey daad-gureyntii ciidamada iyo diblumaasiyiintiisa ku sugan Caasimadda Afghanistan ee Kabul, kadib markii ay kumanaan qof oo rayid ah soo buux dhaafiyeen garoonka diyaaradaha ee Caasimadda Sida ay ku warameyso wakaalada Reuters, kumanaan qof oo rayid ah oo quus ka taagan inay ka qaxaan Afghanistan ayaa xiligaan hakad geliyay duulimaadyadii daad-gureynta ee ay wadeen millateriga Mareykanka. Rabshadaha ka dhashay arrintaas, ayaa waxaa lagu soo waramayaa…

Ciidamada Janan oo laga qaaday gaadiidka dagaal

Doolow (Axadle) – Waxa maanta xal kama dambeys ah laga gaaray xiisadii dagaal ee maalmihii u dambeeyay ka taagneyd degmada Doolow ee gobolka Gedo, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegen Axadle. Xiisada dagaal oo u dhaxeysay Ciidamada dowladda Soomaaliya ay hore u geysay degmada Doolow iyo ciidamadii uu kal hore dowladda ku wareejiyay wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan, kuwaasi oo gadood xoogan ka sameeyay degmada. Odayaasha…

Xijaar oo soo saaray amar ku socdo musharraxiinta

Muqdisho (Axadle) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ahna guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka ayaa soo saaray amar ku socda musharraxiinta ka qeybgalaya doorashooyinka ka dhacaya dalka. Xijaar ayaa soo jeediyey in la baaro qof kasta oo musharrax ah iyo ergooyinka wax dooranaya, si loo ogaado inay dambi ka galeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in baaris kadib ay u…

Mas’uul ka tirsanaa Gobaladda Waqooyi oo lagu dilay

Laascaanood (Axadle) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo xalay mas’uul ka tirsanaa Gobaladda Waqooyi loogu geystay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in dilka loo geystay guddoomiyihii doorashooyinka Gobaladda Waqooyi ee gobolka Sool, Cabdullaahi Laba-Go’le, kaas oo ay toogasho ku dileen kooxo hubeysan. Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa Axadle u…

Muxuu ROOBLE ka yiri tallaabadii madaxweynaha

Baydhabo (Axadle) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomalaiya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay tallaabadii madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee uu ku shaaciyey liiska musharraxiinta Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya iyo sidoo kale soo saarista doorashada ee xubnaha Golahaasi. Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa boggaadiyey ku dhawaaqista liiska shan ka mid ah musharaxiinta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo…

Al-Ganushi oo shaaciyey qorshaha Imaaraadka ee

Tunis (Axadle) – Afhayeenka baarlamanka Tunisa Rashid Al-Ganushi ayaa Imnaaraadka Carabta ku eedeeyey inay ka dambeeyaan afgambiga dalkiisa, kadib markii madaxweyne Qays Saciid uu hakiyey baarlamanka, lana wareegay awoodda fulinta. Al-Ganushi ayaa u sheegay wargeyska The Times, in Imaaraadka ay ka go’neyd “inay soo geba-gebeeyaan” Guga Carabta oo ah kacdoonkii 2011 xukunka looga tuuray qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha dalal ka mid ah Bariga Dhexe…

Lafta-gareen oo musharaxnimada Aqalka Sare ka

Baydhaba (Axadle) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen, oo maanta soo saaray liiska shan ka mid ah musharaxiinta Aqalka Sare, ayaa billaabay fulinta qorshaha doorashada ee madaxweyne Farmaajo. Lafta-gareen, oo awood u leh soo gudbinta liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Koonfur Galbeed, ayaa liiska ka reebay laba ka mid ah Senatorada ugu caansan Aqalka Sare, oo kala ah; Ilyaas Cali Xasan…

Dabeyl ku dhacday Laba ka mid ah mucaaradkii Farmaajo

Baydhaba (Axadle) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen, oo maanta soo saaray liiska shan ka mid ah musharaxiinta Aqalka Sare, ayaa billaabay fulinta qorshaha doorashada ee madaxweyne Farmaajo. Lafta-gareen, oo awood u leh soo gudbinta liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Koonfur Galbeed, ayaa liiska ka reebay laba ka mid ah Senatorada ugu caansan Aqalka Sare, oo kala ah; Ilyaas Cali Xasan iyo Xuseen Sheekh Maxamuud. Ilyaas Cali Xasan, ayaa waxa uu ka tirsan yahay…

Daawo: Turkey oo ciidamo cusub u tababartay

Muqdisho (Axadle) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aaa ka qayb galay munaasabad tababar loogu soo xirayey Dufcaddii 3-aad ee Layli Saraakiil iyo Dufcaddii 4-aad ee  Layli Saraakiil Xigeen ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ka qalin-jebiyey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TurkSom. Farmaajo ayaa abaal-marinno guddoonsiiyey Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada galay kaalmaha hore, waxaana uu tilmaamay in…