Waa Kuma Saxeexa Cusub Ee Chelsea Ee Uu Tababare Frank

Tababaraha kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa ahaa mid faraxsan kaddib guushii 4-1 ka ahayd ee ay kooxdiisu ka gaadhay Sheffield United xalay iyagoo goolal ka kala helay Tammy Abraham, Ben Chilwell, Timo Werner iyo Thiago Silva.Frank Lampard ayaa kulanka kaddib si gaar ah u amaaay garabka weerar ee Hakim Ziyech kaas oo laba caawimo kasoo sameeyay kulankaas loona doortay ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa ciyaarta.Ciyaaryahankii hore ee kooxda Ajax ayaa ku dhibtooday dhaawac jilibka ka gaadhay bilooyinkiisii ugu dambeeyay ee…

Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Kulanka Man City vs Liverpool, Koox

Kooxaha Manchester City iyo Liverpool ayaa isku faro-saari doona gegida Etihad Stadium caawa kulan xiiso badan iyadoo labada kooxood is aragoodu uu ahaa mid muhiim ah dhawaanahan maadaama ay saddexdii horyaal ee ugu dambeeyay dhexdooda kusoo guuleysteen.Kahor ciyaarta caawa ayay shabakadda Sportsmole soo xulatay shaxda isku-dhafka (Isku-darka) ah ee safafka labadaas kooxood iyadoo kaliya lagu salaynayo ciyaaryahanada imika taamka ah ee aan kuwa dhaawaca ku maqan xisaabta lagu darayn.Aan ku bilawnee goolhayaha shaxdan ayaa ah…

DAAWO Yaabkan!! Xiddig Premier League Ah Oo Xalay Rigoore U

Da’yarka khadka dhexe ee kooxda Fulham ee Ademola Lookman ayaa xalay qaatay rigoore u tartami doona noqoshada rigoorihii abid ugu xumaa kubadda cagta iyadoo tan iyo xalay si aad ah loo hadal hayay.Sida ay sheegeen qaar kamida xiddigaha kooxda ree London, Lookman ayaa raali gelin ka siiyay rigoorihii uu ka qasaariyay daqiiqadii 98-aad ee kulanka isaga oo qasaariyay fursad uu kaga bar-barayn lahaa goolkii Tomas Soucek.Iyadoo uu kulanku yahay mid 0-0 ah ayuu Souces wakhtigii dheeriga ahaa ee lagu daray goolka u dhaliyay Hammers…

“Waxaan Jeclaan Lahaa Inaan La Ciyaaro” – Ashley Cole Oo

Halyeeyga kooxda Chelsea ee Ashley Cole ayaa haysan kari waayay jacaylka uu u qabo iyo sida uu u jeclaan lahaa inuu garoon la galo kubad sameeyaha cusub ee kooxdiisii hore ee Hakim Ziyech oo markale xalay bandhig weyn indhaha caalamka ku xaday.Ziyech oo xagaagii heshiis 38 Milyan oo Pound ah ugu soo wareegay dhinaca Stamford Bridge ayaa ahaa midka sameeyay kala duwanaanshaha kulankii xalay ay Sheffield United guusha ka gaadheen gaar ahaan markii 1-0 hoggaanka looga qabtay.Ziyech ayaa kulankaas ka sameeyay laba caawimo isaga…

Jamaahiirta Liverpool Oo Codkooda Ku Go’aamiyay No-9ka Ay

Liverpool iyo Manchester City ayaa fool ka fool iskaga hor imanaya caawa kulan ka qabsoomaya Etihad Stadium oo ka tirsan kulamada ilaa haatan xilli ciyaareedkan loogu sugista badnaa.Labada kooxoodba waa kuwo kulanka caawa gelaya iyagoo qaab fiican kusoo jiray, aan ku bilawnee Man City ayaa guuldarro la’aan ahayd siddeedeedii kulan ee ugu dambeeyay iyagoo lix soo guuleystay laba kalena bar-bardhac galay.Dhinaca kale Liverpool ayaa soo guuleysatay dhammaan shanteedii kulan ee ugu dambeeyay kaddib markii ay kasoo kabteen…

Waa 17 Sano Jir Ay Barcelona Saxeexiisa Ku Garaacday Man

Kaliya dhawr bilood ayuu kasoo tirsanaa safkeeda balse waxa cad in Barcelona ay mustaqbalkeeda fog ka dhex aragto da’yarka Pedri oo hadda banaanka la keenay lacagta aadka u badan ee heshiiskiisa Camp Nou ku xidhan.17 sano jirkaas ayaa suuqii dhawaa lacag 4.5 Milyan Pound ah Barcelona ugaga yimid dhinaca Las Palmas balse heshiiska ayaa gaadhi kara 19.9 Milyan Pound haddiiba shuruudo ku xidhan uu buuxiyo.Sida uu sheegayo il-wareedka caanka ah ee Goal, Barcelona ayaa saxeexa Pedri kaga guuleysatay labada kooxood ee waaweyn ee…

Ma Keenayo – Xiddiga Uu Diiday Inuu Roman Abramovich Chelsea

Mulkiilaha kooxda Chelsea ee Roman Abramovich ayaa lagu soo warramayaa inuu diiday inuu suuqyada soo socda Stamford Bridge keeno weeraryahanka Juventus ee Paulo Dybala kaas oo lala xidhiidhinayay kooxdiisa maalmihii ugu dambeeyay.Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Talyaanigu, Abramovich ayaan doonayn inuu Dybala lasoo saxeexdo isaga oo aaminsan inay booskiisa kaga filan yihiin Kai Havertz iyo Hakim Ziyech oo uu suuqii dhawaa lasoo saxeexday.Chelsea ayaa xagaagii suuqa ku bixisay lacag ka badan 250 Milyan oo Pound…

Waa Kuma Xiddiga Arsenal Ka Tirsan Ee Ay Rajada Weyn Ka

Da’yarka daafaca dhexe ee kooxda Arsenal ee William Saliba ayaa lagu soo warramayaa inuu doonayo inuu iskaga tago kooxdaas oo uu qaab amaah ah kaga baxo suuqa dhawaan furmi doona ee bisha January.William ayaa doonaya inuu heshiis amaah ah ugu laabto kooxdiisii hore ee St Etienne xilli ay sii socdaa dhibaatooyinka uu ku marayo Arsenal, 19 sano jirkaas ayay xagaagii 2019 lasoo saxeexatay Arsenal balse waxa hal xilli ciyaareed dib amaah loogu siiyay kooxda ree France.Si kastaba, Mikel Arteta ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in…

“Anigu Waxaan Sergio Ramos Ka Dhigaa Mid Fiican Isaguna…….”

Daafaca dhexe ee kooxda Real Madrid ee Raphael Varane ayaa ka hadlay kabtankiisa ay lamaanaha ku yihiin booskaas ee Sergio Ramos iyo sida ay isku caawiyaan marka ay garoonka ku wada jiraan.Waxa xusid mudan in Los Blancos ay yihiin kuwo aad u dhibtooda marka uu Ramos ka maqan yahay gaar ahaan tartanka Champions League oo ay sanadihii ugu dambeeyay rekoodh madaw ku lahaayeen ciyaaraha uu seego.Dad badan ayaa aaminsan inuu Sergio Ramos yahay mid xiddigaha ku hareeraysan oo dhan ka dhiga kuwo wanaagsan oo astura isla markaana uu…

Shanta Weeraryahan Ee Ugu Wanaagsan Champions League

Waxa xog lagu muujiyay shanta weeraryahan ee ugu wanaagsan tartanka UEFA Champions League qarnigan 21-aad iyadoo uu boos lama filaan ah soo galay Neymar Jr halka ay sidoo kale ka dhex muuqdaan xiddigaha jiilkan ugu wanaagsan ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.Tan iyo bilawgii qarnigan 21-aad, xiddiga ugu fiican xog ahaan dhinaca weerarka Champions League ayaa noqday kabtanka Barcelona ee Lionel Messi.Dabcan Ronaldo ayaa ah ciyaaryahanka abid ugu goolasha badan Champions League balse tiro-koobkan ayaa ka hadlaya tirada…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish.AcceptRead More