“Waad Taqaanaa Halka Albaabku Ku Yaalo” Akhriso Hadaladii

Waxa hadda soo baxaya warar xoogan oo la xidhiidha hadalo bilooyin kahor dhex maray kabtanka ahna hoggaanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyo macalinkii laga caydhiyay shaqada kooxdaas ee Quique Setien.Setien ayaa laga caydhiyay shaqada Barcelona kaddib xilli ciyaareed musiibo ah oo ay kooxdaasi soo qaadatay iyadoo horyaalka La Liga u weyday Real Madrid isla markaana Champions League qaab fool xun ugaga hadhay gacmaha Bayern Munich.Lionel iyo qaar kamidda xiddigaha Barcelona ayaan gabi ahaanba ku qanacsanayn in Setien…

Waa Kan Xiddiga Ugu Horreeya Ee Ay Barcelona Go’aamisay Inay

Kooxda Barcelona ayaa go’aamisay saxeexa koowaad ee ay ka doonayso suuqa bisha January ee soo socota xilli ay isha ku hayaan inay markale kooxda kasoo xoojiyaan boosaskii ay ku fashilmeen inay wajiyo cusub u keenaan xagaagii dhawaa.Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay, tababare Ronald Koeman iyo agaasimaha kooxda ee Ramon Planes ayaa aaminsan inay u baahan yihiin saxeexa daafac dhexe oo kale isla markaana ay ishaarteen Eric Garcia oo Man City ka tirsan.Qorshayaasha Barcelona ayaa ah inay soo xoojiso safkeeda markale…

Mikel Arteta Oo Shaaciyay SIRTII Uu Ka Qariyay Xiddigaha

Tababaraha kooxda Manchester City ee Mikel Arteta ayaa shaaca ka qaaday wixii uu ka qariyay xiddigaha kooxdiisa kahor kulankii ay xalay guusha muhiimka ah kasoo gaadheen Manchester United oo ay Old Trafford ku booqdeen.Arsenal ayaa guusha ku gaadhay gool rigoore ah oo uu daqiiqadii 69-aad gool u bedelay Pierre Emerick Aubameyang kaddib qalad uu Paul Pogba ku galay Hector Bellerin.Guushaas ayaa ahayd midii ugu horreysay ee ay Arsenal tan iyo sanadkii 2006 kasoo gaadhay Man United oo ay booqatay iyo guusheedii koowaad ee ay…

Atalanta Oo Musiibo Dhaawacyo Ah Badhtanka Ka Gashay Kahor

Kooxda ree Talyaani ee Atalanta ayaa dhexda kaga jirta mashaqo dhaawacyo ah kahor kulankooda soo socda ee ay UEFA Champions League la balansan yihiin Liverpool xilli ay labada kooxood wareega saddexaad ee heerka Group-yada kulamayaan.Kooxda lagu naanayso La Dea ayaa Salaasada soo socota kahor tagaya dhigooda difaacanaya horyaalka Premier League kaddib markii ay guul 2-1 ah shalay kasoo gaadheen kooxda Crotone oo ay booqdeen.Sida uu hadda sheegayo wargeyska La Gazzetta dello Sport, Rafael Toloi ayaa kulankaas ka baxay iyadoo…

“Waan Ku Faraxsanahay Ziyech Laakiin Wali Kuma Qanacsani…..”

Halyeeyga kooxda Chelsea ee Frank Labouef ayaan ku wada faraxsanayn bandhiga xiddigaha kooxdiisii hore kulankii ay xalay guusha weyn ee 3-0 ka ah kasoo gaadheen Burnley oo ay Turf Moore ku booqdeen.Labouef ayaa sheegay inuu si gaar ah ugu faraxsanaa Hakim Ziyech oo kulankii labaad ee xidhiidh ah ee uu kusoo bilawday goolkii labaad dhaliyay balse sheegay inuusan si buuxda ugu qancin Kai Havertz oo ah xiddiga haatan ugu mushaharka badan kooxda,Kai Havertz ayaa shalay booskiisii caadiga ahaan mid ka qoto dheer ka ciyaarayay…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Man United vs Arsenal – Yay

Kooxda Manchester United ayaa soo dhawaynaysa dhigeeda Arsenal kulan ka tirsan ahna midka ugu xiisaha badan wareega toddobaad ee horyaalka Premier League.Gunners ayaa imanaya Old Trafford oo aysan wax guul ah ku gaadhin tan iyo 2006 halka ay labadeedii kulan ee ugu dambeeyay guuldarro kala soo kulantay Man City iyo Leicester City ciyaaraha horyaalka.Red Devils ayaan iyaguna si wanaagsan kaga jirin horyaalka, walow ay qaabkii ugu fiicnaa ku bilawdeen Champions League ayay haddana wali guul la’aan yihiin horyaalka gaar ahaan…

Garsoore Khabiir Ah Oo Xukumay Haddii Uu Lionel Messi Kaadh

Garsoore hore Juan Andujar Oliver oo ah mid aad ugu khabiir ah arrimaha garsoorka kubadda cagta ayaa ka hadlay haddiiba kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi uu xalay mudnaa kaadh casaan ah kulankii ay booqdeen dhigooda Deportivo Alaves.Barcelona ayaan wax guul ah helin kulankii afraad ee xidhiidh ah horyaalka La Liga iyagoo haatan boos hoose kaga jira miiska kala sarreynta horyaalkaas isla markaana 8 dhibcood ka dambeeya Real Madrid oo hoggaanka haysa walow ay kulan baaqi ah haystaan.Kulankoodii ugu dambeeyay oo midkii…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Ay Real Madrid Kaga Hortagayso Huesca –

Kooxda difaacanaysa horyaalka La Liga Santander ee Real Madrid ayaa soo dhawaynaysa dhigeeda Huesca xilli ay dareemo kala duwan kusoo jirtay marka la eego natiijooyinkeedii labadii kulan ee ugu dambeeyay.Los Blancos ayaa toddobaadkii hore laba kulan guuldarrooyin kala soo kulmay Cadiz iyo Shakhtar Donestk kahor inta aysan guul weyn Camp Nou kaga soo hoynin Barcelona, intaas kaddib Real ayaa markale dib u dhac gashay iyagoo Salaasadii bar-bardhac 2-2 ah lasoo galay Borussia Monchengladbach kulan Champions League ahaa.Tababare…

“Alle Nolosha Haku Duleeyo, Nabiga Waxaanu Jecel Nahay In Ka

Feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Nurmagomedov oo lagu yaqaano inuu si weyn u difaaco diinteeda suuban ee Islaamka kuna caan ah inuu yahay shaqsi aad ugu ad-adag arrimaha sharciyan Alle inoo jideeyay ayaa jawaab la sugayay siiyay madaxweynaha France.Emmanuel Macron oo ah ninka ugu sarreeya France ayaa dhawaan diinta Islaamka ku sifeeyay mid qalalaase ku ah dunida oo dhan, hadalkiisa ayaa dhaliyay in si weyn guud ahaan muslimka caalamku uga fal-celiyaan.Hadalka Macron ayaa yimid kaddib markii France lagu dilay macalin Samuel…

Kooxdii Weyneyd Ee Barcelona Oo Gabi Ahaanba KACAYSA,

Waxa maalinba maalinta xigta soo kordhaya dhibaatooyinka ay kooxda Barcelona dhexda ka galayso ee banaanka garoonka ah iyadoo haatan la sheegayo inay gabi ahaanba kici karto kooxda oo ay dhaqaale ahaan dhulka geli karto.Sida uu sheegayo il-wareedka ree Spain ee RAC1, Barcelona ayaa gabi ahaanba kici doonta haddii aysan 190 Milyan oo euro oo kamida mushaharka xiddigaheeda dhimin kahor dhammaadka toddobaadkan.RAC1 ayaa sheegaya inay haddaba bilaabmeen wadahadalada ay kooxdu ku doonayso inay hoos ugu dhigto mushaharka…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish.AcceptRead More