Waa Kuwan LABADA Shuruudood Ee Uu Lionel Messi Miiska U

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa lagu soo warramayaa inuu laba shuruudood ku xidhay kooxda Manchester City haddiiba ay doonayaan inuu qaab xor ah kooxdooda ugu biiro suuqa xagaaga ee sanadka dambe ee 2021.Shuruuda koowaad ee uu Messi ku xidhay City ayaa ah inuu kooxda sii joogi doono Pep Guardiola oo ay afar sano oo dahabi ah kusoo wada qaateen Camp Nou.Shuruuda labaad ayaa ah in Etihad Stadium lagu sii hayo saaxiibkiisa wakhtiga dheer ee Sergio Kun Aguero oo ay mudo dheer kasoo wada tirsanaayeen qaranka…

MA HUBTAA? Xiddig Magac Weyn Ku Leh England Oo Cristiano

Kabtanka kooxda heerka labaad uga dhacday Premier League ee Watford ee Troy Deeney ayaa si lama filaan ah hoggaamiyaha Juventus ee Cristiano Ronaldo ugula taliyay inuu kusoo biiro kooxda Wolverhampton Wanderers oo xiddigaha Portugal xidhiidh fiican la leh.Ronaldo oo 35 sano jir ah ayaa muddooyinkan ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay inuu iskaga tagayo kooxdiisa Juventus iyadoo la xusayo inay kooxdaasi doonayso inay iska fasaxdo maadaama oo ay dhaqaale badan ku bixiso.Paris Saint-Germain ee uu agaasimaheeda Leonardo qirtay…

“Wuxuu Wakhti Weyn Ku Qaadan Karayay Real Madrid Ama

Xiddigii hore ee kooxaha Arsenal, Barcelona iyo Chelsea ee Cesc Fabregas ayaa ka hadlay hibadii ku jirtay xiddiga wakhtigan koox la’aantu hayso ee Jack Wilshere oo ay Arsenal kasoo wada tirsanaayeen iyo heerka uu kubadda cagta ka gaadhi karayay.Wilshere ayay mudo kooban kahor kooxdeeda ka dirtay West Ham United oo ahayd kooxdii ugu dambaysay ee uu ka tirsanaa mana uusan ilaa hadda helin wax koox ah oo cusub.Mid kamida bandhigyadii ugu waaweynaa ee uu Jack Wilshere soo sameeyo ayaa ahaa kulamadii Champions League ee uu kahor…

“Qandaraas 10 Sano Ah Ayay Barcelona Isoo Bandhigtay, Waxa

Xiddigii hore ee da’yarta xulka qaranka England ee John Bostock oo hadda koox la’aan ah kaddib markii uu dhawaan iskaga tagay Toulouse kaddib markii heshiiskiisa la kansalay ayaa dib u gocday markii uu da’yarka ahaa iyo kooxihii doonayay.Bostock oo hadda 28 sano jir ah ayaa soo qaatay sanadihii ugu dambeeyay wakhti adag iyo waayo ciyaareed oo aan sal dhigasho lahayn kaddib markii uu tobbankii sano ee ugu dambeeyay kusoo qaatay tobban kooxood oo kala duwan.Si kastaba, waayihiisa ciyaareed ayaa gabi ahaanba sidaas ka duwanaan…

Jamie Carragher Oo Xushay SHANTII Xiddig Ee Ugu Adkaa Ee Uu

Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa soo xushay shanta xiddig ee ugu adkaa ee uu kahor tagay waayihiisii ciyaareed isaga oo doortay kabtanka Barcelona ee Lionel Messi balse si lama filaan ah liiska uga reebay hoggaanka Juventus ee Cristiano Ronaldo.Carragher ayaa kahor tagay qaar kamida xiddigaha ugu fiican kubadda cagta abid, isaga oo 16 sano heerka ugu sarreeya kasoo ciyaarayay isla markaana 737 kulan oo kulamo ah soo ciyaaray.Haatan Carragher oo sidoo kale 38 kulan oo caalami ah usoo ciyaaray qaranka England…

Liverpool Oo Heshay Daafaca Xalinaya Dhibkeeda Dhaawacyada,

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaan. Suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii waxa uu xidhmay horraanta bishii October, waxaana dhowaan la sugayaa inuu furmo suuqa waqtiga jiilaalka ee bisha January oo muddo kooban ay kooxuhu u heli doonaan inay kaga soo faa’iidaystaan.Kooxaha dhaawacyadu ragaadiyeen amaba doonaya inay helaan xiddigo ka caawiya xallinta dhibaatooyinkii ay soo arkeen qaybta hore ee xili ciyaareedka ayaa suuqa geli doona, sidoo kalena ciyaartooyo heshiisyada…

YAA HABAARAY? Inkaarta Dhaawacyada Daafaca Liverpool Oo

Daafaca bidix ee kooxda Liverpool ee Andy Robertson ayuu kasoo yeedhay war naxdin ku ah dhammaan shaqsiyaadka xidhiidhka kala duwan la leh kooxdaas kaddib kulankii uu xalay dalkiisa Scotland kaga caawiyay inay Euro usoo baxaan.Robertson ayaa kaddib markii ay guul rigoorayaal ah ka gaadheen Serbia sheegay inuu kulanka dhexdiisa ku dhibtoonayay dhaawac muruqa ah.Scotland ayaa markii ugu horreysay usoo baxday tartan weyn tan iyo 1998-kii kaddib markii uu goolhaye David Marshall rigoore ka beeniyay weeraryahanka Serbia ee…

Miyay Man United Saxeexa Riyada Ee Cristiano Ronaldo

Waxa sii kordhaya wararka kooxda Manchester United la xidhiidhinaya weeraryahanka Juventus ee Cristiano Ronaldo iyagoo doonaya inay Old Trafford kusoo celiyaan 11 sano kaddib markii ay u fasaxeen dhinaca Real Madrid.35 sano jirkan ayaa la sheegayaa inuu Juventus iskaga baxayo xagaaga soo socda kaddib markii ay soo baxeen warbixino tibaaxaya in Juventus ay doonayso inay meesha ka saarto mushaharkiisa 28-ka Milyan ee Pound ah sanadkii.Wargeyska ree Portugal ee Record oo ahaa midkii ugu horreeyay ee qarxiyay wararkii sheegayay…

GOOLKA SANADKA!! Daawo Muuqaalka Xiddig Dhaliyay Gool Lagu

Daafaca Nicolai Geertsen ayaa tartanka Danish Cup haatanba kasii dhaliyay mid kamida goolasha la filayo inay ku tartami doonaan abaalmarinta goolka sanadka ee Puskas Award xilli ay kooxdiisa Lyngby kahor tagaysay dhigeeda SBI.Nicolai Geertsen ayaa marka hore kubadda oo koorne lasoo tuuray ahayd qaab maqas (Dhabal) ah u darbaynaya balse isku daygiisaas quruxda badan ayaa birta goolka kasoo noqonaya.Markale Geertsen ayaa isaga oo dhulka yaala sameeyay dhaq-dhaqaaqa uu ku wajahayay kubadda birta kasoo booday oo isaga kusoo…

Dagaalka Kroos Iyo Aubameyang Oo Heer Kale Gaartey, Mesut

Kubad sameeyaha kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa markiisa ka qayb qaatay dagaalka iyo erayada dhaliisha ah ee ay hawada isku marinayeen dhawaanahan kabtankiisa Pierre Emerick Aubameyang iyo Toni Kroos oo ay xulka Germany kasoo wada tirsanaayeen.Kroos oo ahaa mid hadalka bilaabay ayaa sheegay inuusan gabi ahaanba jeclayn nooca dabaaldeg ee maasgarada wajiga lagu xidhanayo ee uu sameeyo Aubameyang marar badan.Intaas kaddib Auba oo bartiisa Twitter-ka kaga hadlay arrintaas ayaa sheegay inuusan filanayn in Kroos carruur…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish.AcceptRead More