Manchester United ayaa suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan dhigaysa SAGAAL ciyaartoy oo kooxda koowaad ah oo aanu ku jirin kubbad-sameeyaha Faransiiska ah ee Paul Pogba, kaas oo ay ka naawilayaan in uu saxeexo heshiis cusub, xilli 11 bilood oo kali ahi ka hadhsan yihiin qandaraaskiisa.
Red Devils oo suuqa iibka ciyaaartoyda ee xagaagan kala soo wareegtay Jadon Sancho, Raphael Varane iyo Heaton ayaa waxay hadda ka shaqaynaysaa sidii ay usoo celin lahayd lacagtii ay kharash garaysay.
Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa haysta ciyaartooyo badan oo aan ugu jirin qorshihiisa aas-aasiga ah, kuwaas oo uu jeclaan lahaa in la iibiyo halkii ay culayska ku kordhin lahaayeen ee ay ka dooni lahaayeen in uu ciyaarsiiyo isagoon boos u haynin.
United 13 horyaal oo Premier League ah ku guuleysatay tan iyo 1992kii ayaa waxay dedaal u geli doontaa in ay soo afjarto abaarta siddeedda siddeed-jirsanaysa ee ka haysata hanashada horyaalka, waxa se uu Solskjaer rumaysan yahay in uu dhisay kooxdii ugu dambayn koobka qaadan lahayd.
Mulkiileyaasha Maraykanka ah ee reer Glazerz ayaa suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan illaa haatan bixiyey lacag ka badan £100 milyan oo Gini oo kaliya Jadon Sancho iyo Raphael Varane ah, laakiin maalgelintan ay sameeyeen ayay doonayaan inay kusoo celiyaan isla suuqa xagaagan.
Warbaahinta Maraykanka ah ee ESPN ayaa sheegay, in Manchester United suuqa iibka dhigayso ciyaaryahannada kala ah Jesse Lingard, Brandon Williams, Anthony Martial, Diogo Dalot, Phil Jones, Alex Telles, Andreas Pereira, Daniel James iyo Axel Tuanzebe.
Sagaalkan ciyaartoy ayuu warku sheegay in dhamaantood la iibin doono haddii ay kooxdu ku hesho qiime macquul ah, inkasta oo qaarkood la sheegay inay amaah ku bxii doonaan.
Si kastaba, Paul Pogba ayaa laga reebay sagaalkan ciyaartoy, waxaanay United rajaynaysaa in ay ku qancin doonto inuu saxeexo heshiis cusub.