Skip to content
Wednesday, November 25, 2026 14 Jumada al-Thaniyah 1448 AH Asr 15:11
Muqdisho 30°C
Degdeg Rights Group Urges Egypt to Reverse Shutdown of Mada Masr
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports Af-Soomaali

No4, 12 mise 24? Lambarkee Ayay Manchester United U Diyaarisay Raphael

Follow
Laacib

Manchester United ayaa kusii dhowaanaysa dhamaystirka saxeexa difaaca Real Madrid ee Raphael Varane oo la sheegayo in ay maalmo gudahood kula soo wareegi doonto. Ole Gunnar Solskjaer oo doonaya in uu xoojiyo safkiisa difaaca ayaa calmaday Varane oo waqtiga qandaraaskiisa Madrid ay ka hadhsan yiihiin wax ka yar hal sano, taas oo keentay in Los Blancos ay aqbasho in ay iibiso ka hor inta aanu si bilaash ah uga tegin.

Difaacan reer France ayaa la filayaa in uu noqdo saxeexa saddexaad ee Manchester United ay samayso, waxaana ka horreeyey goolhaye Heaton iyo Jadon Sancho.

Raphael Varane ayaa waxa uu booska ka cidhiidhsan doonaa Victor Lindelof iyo Eric Bailly oo uu tababare Ole saluugsan yahay ciyaartiisa, waxaanay iska garab ciyaari doonaan Harry Maguire xilli ciyaareedka soo aaddan.

Inkasta oo aan wali heshiiskiisa la dhamaysitrin, haddana Manchester United ayaan wax badan u jirin laacibkan, waxaanay Real Madrid ka wada xaajoonayaan kaliya lacagta iibka maadaama uu Florentino Perez mar horeba ansixiyey in laacibkan la iibiyo.

Wargeyska Faransiiska ah ee Le Parisien ayaa sheegay in £39 milyan oo Gini ay Manchester United ku iibsan doonto Varane, heshiiskiisana lagu dhamaystiri doono maalmo gudahood.

Si kastaba, wargeyska Daily Express ayaa sheegay lambarka uu xidhan doono Varane maadaama lambarkii uu u xidhan jiray Real Madrid ee No5 uu haysto Harry Maguire.

Varane ayaa sidoo kale ay ku adkaanaysaa in uu helo No4 oo uu haysto Phil Jones oo dhaawacyo la jiifay muddo sannad ka badan.

Wargeyska ayaa sheegay in ay jiraan tiro lambarro ah sida No.12 oo uu xidhan jiray Chris Smallin oo bannaanaaday markii uu laacibkaasi si rasmi ah ugu wareegay Roma. Waxa kale oo bannaan No24 oo uu xidhan jiray Fosu-Mensah oo bishii January ka tegay Old Trafford.

Si kastaba, wargeyska ayaa waxa uu tibaaxay in Varane uu xidhan doono No4 haddii uu Jones ka tago Manchester United iyadoo laacibka reer England lala xidhiidhinayo Newcastle. Haddii lambarkaasi u bannaanaan waayo, waxa uu qaadan doonaa No12 ama 24.

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes