Laba Ka Mid Ah Xiddigaha Spain Oo Dhaawac Lagaga Saaray Ciyaaraha

Xulka qaranka Spain ayaa shaaciyey, in ciyaaarta Axadda ay kula ballansan yihiin Australia ee ka tirsan tartanka Olombikada, in ay seegi doonaan labada ka mid ah ciyaartoydooda muhiimka ah oo ka tirsan Barcelona iyo Real Madrid.

Dhaawacyada laga soo sheegay waddanka Japan ayaa walwal ku abuuraya Real Madrid iyo Barcelona oo ay iyagana u tahay dhaawacyadii ugu horreeyey ee ay diiwaangeliyaan xagaagan, xilli ay isku diyaarinayaan bilowga xilli ciyaareedka cusub oo ku beegan August 15.

Difaaca Barcelona ee Oscar Mingueza iyo khadka dhexe ee Real Madrid ee Dani Ceballos ayaa labadaba ay dhaawacyo kasoo gaadheen ciyaartii Masar ee Khamiistii, waxaanay ka maqan yihiin tababarka Jimcihii maanta.

Minguez ayaa lagu soo warramayaa in xaaladdiisu ka wanaagsan tahay midda Dani Ceballos oo kuraanta uu kasoo gaadhay dhaawac looga saaray ciyaarta, xilli uu xanuun badan dareemayay.

Mingueza iyo Ceballos ayaa la xaqiijiyey in ay ka maqnaanayaan ciyaarta Australia ee Axadda, sidoo kalena aanay u fursad u heli doonin kulanka ugu dambeeya Group-kooda C oo ay  Arbacada ku ballansan yihiin xulka qaranka Argentina, laakiin waxay soo laaban karaan wareegga xiga haddii uu dalkoodu soo baxo.

Dhinaca kale, Martin Zubimendi ayaa kusoo laabtay tababarka isagoo kasoo kabanaya dhaawac muruqa ah, waxaana la filayaa in uu kasoo muuqan karo ciyaarta Axadda ee Australia.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More