Skip to content
Saturday, September 19, 2026 6 Rabi al-Thani 1448 AH Maghrib 17:55
Muqdisho 26°C
Breaking: Somalia and China Discuss Expanding Defense and Security Cooperation
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

DAAWO: Garsoorayaashii Oo Qolka Labiska Kooxda Kale Ku Dhuuntay, Gacan

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
DAAWO: Garsoorayaashii Oo Qolka Labiska Kooxda Kale Ku Dhuuntay, Gacan

Kubadda cagta dalka Brazil ayaa ahayd mid qas leh Salaasadii xalay ahayd kaddib markii ay kooxda Boca Juniors isku dhaceen dhigooda Atletico Mineiro iyo booliskaba markii ay soo dhammaatay ciyaartii ay kaga hadheen Copa Libertadores.

Kaddib markii ay labadii kulan ee labada kooxood dhex marayba kusoo dhammaadeen bar-bardhac 0-0 ah, kooxda ree Argentina ayay dhigeeda kale guuldarro 3-1 ah oo rigoorayaal ah baday.

Laakiin xiddigaha Boca ayaa ahaa kuwo natiijadu aanay si fiican uga dhaadhicin iyaga oo aaminsan in aalada garsoore caawiyaha ah ee VAR ay laba gool oo cad ka diiday labadii kulanba.

Ciyaarta kaddib ayay kaamerada garoonku qabatay muuqaalka xiddigaha Boca Juniors oo isku dayaya inay galaan qolka labiska Atletico Mineiro oo ahayd meesha ay garsoorayaashii kulanku magan gelyo ahaan ugu dhuunteen.

Daafacii hore ee Manchester United ee Marcos Rojo ayaa ahaa mid kamida xiddigaha waday qaska isaga oo sitay haanta dabka lagu bakhtiiyo ee lagula dagaalamo oo u muuqata inay waliba bir tahay.

Arrimaha ayaa noqday kuwo aad u adag iyadoo boolisku ay soo galeen isla markaana u adeegsadeen gaaska dadka ka ilmaysiiya xiddigaha Boca si xaalada loo dajiyo.

Wararka qaar ayaa haatan sheegaya in qaar kamida xiddigaha iyo masuuliyiinta Boca Juniors xabsiga la dhigi karo kaddib waxa ay sameeyeen.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka

Boca Juniors players clash with police over Copa Libertadores exit and goal disallowed by VAR. ?pic.twitter.com/MqqTzYl01j

— 101 Great Goals (@101greatgoals) July 21, 2021

 

How do you rate this story?

0 votes