Skip to content
Thursday, September 17, 2026 4 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:40
Muqdisho 25°C
Breaking: Somali Father Seeks Help as Sweden Prepares Deportations to Mogadishu
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

CAJIIB: Xiddig Atletico Madrid Ah Oo Qaab Aan Hore Loo Arag Guur Kaga

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
CAJIIB: Xiddig Atletico Madrid Ah Oo Qaab Aan Hore Loo Arag Guur Kaga

Khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid ee Marcos Llorente ayaa qaab cajiib ah oo aan hore loo arag gegida kooxdiisa ee Stadio Wanda Metropolitano ugu soo bandhigtay guur gacalisadiisa Patricia Noarbe.

Llorente ayaa Patricia Noarbe halkaas oo ay si wadajir ah ugu daawadeen muuqaal laga sameeyay ciyaaryahanka xilli ciyaareedkii hore.

Kaddib muraayada gegida ayaa lagu muujiyay sawiro ay iyagu wadajir ugu jiraan kahor inta uusan Marcos Llorente hal jilib dhulka dhigin si uu guur uga dalbado Noarbe.

Noarbe ayaa si deg-deg ah uga aqbashay guurka uu Llorente qaabka cajiibka ah uga dalbaday iyadoo ilinta ceshan weyday.

Si uu ugu dhammaystiro kediska uu u sameeyay, qoyska iyo asxaabtood ayaa dhammaantood soo galay gudaha garoonka si ay ugu hambaleeyaan lamaanaha cusub.

How do you rate this story?

0 votes