Skip to content
Wednesday, October 14, 2026 2 Jumada al-Ula 1448 AH Maghrib 17:46
Muqdisho 28°C
Breaking: Mozambique Court Blocks Appeal in Mondlane Trial
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Arsenal Oo Heshiis La Gaarey Xiddigii Ugu Weynaa Ee Ay Suuqa Ka

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Arsenal Oo Heshiis La Gaadhay Xiddigii Ugu Weynaa Ee Ay Suuqa Ka

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa heshiis la gaadhay xiddigii ugu weynaa ee suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan ay ka doonayeen, kaas oo uu tababare Mikel Arteta ku hawlanaasidii uu u heli lahaa tan iyo markii uu furmay suuqu horraanta  bishii June.

Gunners ayaa muddooyinkii dambe oo dhan waxay wada-hadallo laba dhinac ah kula jirtay kooxda kubadda cagta Brighton iyo difaaca reer England ee Ben White, waxaanay ugu dambayntii xalay xaqiijisay in ay heshiis shaqsi ah la gaadho ciyaartoyga, xilli ay kooxdiisana u dhow yihiin inay heshiis gaadhaan.

Laba dalab oo hore oo ay Arsenal gudbisay ayaa laga soo diiday maadaama ay ka hoosaysay qiimihii ay Brighton ku xidhay saxeexa laacibkan, laakiin Arsenal ayaa ugu dambayn gaadhay qiimihii ay Brighton dalbanaysay oo ahaa £50 milyan oo Gini.

Sida uu qoray wargeyska The Athletic, White ayaa noqon doona difaacii ugu qaalisanaa ee ay abid iibsato Arsenal, waxaanu dhaafi doonaa qiimihii ay hore ugu soo iibsatay Shkodran Mustafi sannadkii 2016 oo ay kasoo bixisay £36.9 milyan oo Gini oo ay kagala soo wareegtay Valencia.

Waxa kale oo uu Ben White noqonayaa ciyaartoygii saddexaad ee ugu qaalisan taariikhda Arsenal, isagoo ay kaliya ka sarrayn doonaan Pierre-Emerick Aubameyang iyo Nicolas Pepe.

How do you rate this story?

0 votes