U bood qoraalka
Tuesday, November 24, 2026 13 Jumada al-Thaniyah 1448 AH Fajr 04:32
Muqdisho 26°C
Degdeg Isbahaysiyada Netanyahu iyo Eisenkot waxay ku guuldarraysteen inay gaaraan heshiis isbahaysi
Warar Deg-deg ah
Axadle
Qolka Wararka Axadle Sports Af-Soomaali

Lionel Messi & Neymar Oo Abaalmarintii Ugu Weyneyd Copa America

La soco
Laacib

Go’aan aan hore looga baran ayay gaareen xiriirka kubada cagta Latin America ee loo yaqaano CONMEBOL iyagoo ku dhawaaqay in kabtanka Argentina Lionel Messi iyo xiddiga Brazil Neymar inay kuwada guuleysteen abaalmarinta Xiddigii ugu fiicnaa koobka Copa America oo ay Argentina ku guuleysatay.

Argentina ayaa ciyaartii finalka ee Copa America waxay garoonka Maracana ku garaacday Bazril iyagoo koobka qaaday markii ugu horeysay muddo laga joogo 28 sannadood, waxayna uga mahadcelinayaan gool uu u saxiixay Angel di Maria.

Laakiin xiriirka CONMEBOL ayaa ku rafaaday inay doortaan hal xiddig oo ku guuleysta abaalmarinta xiddigii ugu fiicnaa tartanka, waxayna doorteen inay abaalmarinta wada gudoonsiiyaan Messi iyo Neymar.

“Ma ahan suurtogalo in hal ciyaaryahan kaliya la xusho, sababtoo ah tartankaan waxay ahaayeen labadii xiddig ee ugu fiicnaa” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay CONMEBOL.

“Waxay kulan walba ku soo bandhigeen tayadooda kala duwan, taasoo ka dhigeysa inay yihiin ciyaaryahano farsamo iyo tayo sarre leh, caqligooda iyo go’aan qaadashadoodana uu aad u sareeyo.

“Labadaba waxay ciyaarta finalka u dheeleen xulalkooda iyagoo ciyaar heer sareysa soo bandhigay, waxayna fure u ahaa tartanka gooldhalinta ee koobka.

“Waxaa taas sii dheer inay yihiin kuwa dhanka caawinta hogaaminaya, xiddiga reer Argentina wuxuu sameeyay shan caawin halka xiddiga reer Brazil uu sameeyay seddex caawin, taasoo cadeyn u ah sida ay uga dhex muuqdeen sannadkan koobka Copa America.”

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes