Skip to content
Saturday, October 31, 2026 19 Jumada al-Ula 1448 AH Isha 18:53
Muqdisho 26°C
Breaking: Tinubu in Saudi Arabia to Pray for Nigeria’s Peace and Stability
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports Af-Soomaali

Waa Kuma Xiddiga Liverpool Ka Tirsan Ee LABA ARDAY Ka Bixinaya

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Waa Kuma Xiddiga Liverpool Ka Tirsan Ee LABA ARDAY Ka Bixinaya

Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Divock Origi ayaa u muuqda mid aan kaliya xirfadiisa ciyaareed ugu deeqayn magaaladaas balse sidoo kale isku dayaya inuu deeqo waxbarasho ku caawiyo da’yarta halkaas degen.

Origi ayaa si rasmi ah bah-wadaag dhinaca waxbarasho bilaash ah (Scholarship) la bilaabaya jaamacada magaalada Liverpool.

Deeqda waxbarasho ee uu bixinayo Divock ayaa noqon doonta mid ku salaysnaan doonta tartan loosoo galo iyadoo laba arday oo kamid ah magaalada uu ka bixin doono.

Labada arday ee kusoo guuleysta tartankaas ayaa bilaabi doona waxbarashada bisha September ee sanadkan 2021, lacagta kaga baxaysa deeqdaas waxbarasho ayaa ah 9,250 pound sanadkii halka uu ku bixin doono 3,000 oo pound waxbaayaha kale ee ay nolosha uga baahan yihiin labadaas arday.

Origi oo ka hadlayay mashruuca ayaa yidhi “Ujeedada aragtida iyo fahamka booska saamayneed ee laygu galaday, waan ogahay muhiimada bixinta fursad halka aan sidoo kale si dhab ah u aaminsanahay awooda jiilka mustaqbalku ay wax weyn ku gaadhayaan”

 

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes