Odayaal Ay Ciidamada Ammaanka ku xireen BELEDWEYN

Beledweyne (Axadle) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa ku warramayaa in saacadihii lasoo dhaafay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi lagu xiray qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ku sugan gudaha magaaladaasi.

- Advertisement -

Odayaasha la xir-xiray oo gaaray illaa 6 ayaa ah odayaasha dhaqanka beelihii dhowaan ku dagaalamay galbeedka magaalada Beledweyne ee Caasimadda gobolka Hiiraan, sida ay Axadle u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Xariga odayaashan ayaa yimid, kadib markii laamaha amniga ay ka war-heleen in Al-Shabaab ugu yeeren Odayaasha labada beelood deegaanka Buq-Aqable oo ka mid ah deegaanada ay ka arrimiso kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daray in haatan odayaasha la geeyey saldhigga booliska Beledweyne halkaasi oo lagu weydiinayo su’aallo dheeraad ah oo la xiriira tuhunka ah inay u socdeen deegaanka Buq-aqable, si ay u fuliyaan amarka kasoo baxay Shabaab.

Arrintan ayaa waxaa walaac ka muujiyey waxgaradka magaalada, kuwaas oo waday dadaallo dhex-dhexaadin ah oo lagu daminayo xiisada dagaal ee ka taagan halkaasi.

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaallada nabadeed ee socda, waxaana dhowaan degmada Beledweyne wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba xiisada ka aloolsan Beledweyn ayaa saameyn ku yeelatay ammaanka magaalada iyo sidoo kale nolosha dadka deegaanka, waxaana hada socda dadaallo xal raadin ah.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More