Weerar lagu diley askarta Kenya ee Jubada Hoose – Axadle
Kismaayo (Axadle) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dhimashada weerar saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.
Weerarka ayaa waxaa soo qaaday dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ku socdaalayay ciidamada Kenya xilli ay ku safrayeen inta u dhaxeysa deegaanada Kaambooni iyo Buur Gaabo ee gobolkaasi
Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in weerarka uu ku bilaawday qarax kadibna waxaa xigay dagaal fool ka fool ah oo labada dhinac dhex maray.
Al-Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay dishay ugu yaraan 4 ka tirsan ciidamada Kenya ee ku howlgalayay magaca Midowga Afrika ee AMISOM.
Al-Shabaab ayaa war ay soo saartay waxa ay ku sheegatay in dagaalka ay ku gubeen gaadiid dagaal oo ay lahaayeen ciidamada Kenya.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay AMISOM gaar ahaan ciidamada Kenya oo ku aadan weerarka iyo dagaalka xigay.
Al-Shabab ayaa inta badan weeraro ka fuliya ciidamada Huwanta qeybta koonfureed ee dalka walina wey xoogan tahay.