Skip to content
Friday, October 23, 2026 11 Jumada al-Ula 1448 AH Maghrib 17:44
Muqdisho 27°C
Breaking: EU Investigates Booking.com’s Actions in Handling Fraud Cases
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports Af-Soomaali

Man United Oo Dhaq-Dhaqaaqii Ugu Cuslaa Ka Wada Suuqa &

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Woodward-Ole

Kooxda Manchester United ayaa u muuqata mid hadda uun hurdada ka kacday marka ay noqoto dhinaca suuqa kala iibsiga xagaagan 2020 iyagoo saacadaha ugu dambeeya ee suuqaas samaynaya dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo dhab ah.

Haddiiba ay Red Devils mudo dheer kaliya kusoo dhammaysteen saxeexa Donny Van De Beek isla markaana ay saxeexyo badan ku fashilmeen, Manchester ayaa hadda mudo 24 saac gudahood ah saxeexii labaad gacanta ku dhigay.

Man United ayaa xalay dhammaysay saxeexa Edinson Cavani oo hadda soo gaadhay magaalada Manchester isla markaana isla haatan heshiis buuxda kooxda FC Porto kala gaadhay saxeexa daafaca bidix ee ree Brazil ee Alex Telles.

 

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes