Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Xiddig Arsenal Ah Oo U Wareegay Atletico Madrid Xilli

Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal Lucas Torriera ayaa heshiis amaah ah ugu wareegay kooxda Atletico Madrid iyadoo labada kooxood ay heshiiska qalinka ku duugeen saacadihii ugu danbeeyay.Xiddigaan ayaa maalmo ka hor tijaabada caafimaadka u maray Atletico, laakiin kooxda reer Spain ayaa sugeysay inay ciyaartoy iibiso ka hor inta aysan ku dhawaaqin saxiixiisa.Waxaana caawa lagala wareegayaa xiddiga khadka dhexe Thomas Partey kaasoo ku biiraya kooxda Arsenal ka dib markii ay bixisay lacagta lagu burburin karo…

“Noloshu Way Sii Soconaysaa”

Edinson Cavani ayaa farriintiisii ugu dambaysay ee macalaamaynta ahayd u diray jamaahiirta kooxdiisii hore ee Paris Saint-Germain, iyadoo uu isku diyaarinayo in laba saacadood gudahood si rasmi ah loogu soo bandhigo isaga oo xidhan maaliyadda ama shaadhka Manchester United. 33 jirkan reer Uruguay ayaa bishii June ka tegay PSG markii uu dhamaaday heshiiskiisu, waxaanu hadda waajahayaa loollanka cusub ee noloshiisa oo ah inuu ka ciyaaro horyaalka Premier League. Cavani oo in ka badan 200 gool u dhaliyey PSG muddo toddoba…

Manchester United Oo Si Rasmi Ah U Iibisay Daafac Weyn &

Manchester United ayaa daafaca dhexe ee Ingariiska Chris Smalling si rasmi ah uga iibisay kooxda AS Roma ka dib wadahadalo soo jiitamayay muddo seddex bilood ah. Daafaca dhexe ayaa xilli ciyaareedkii la soo dhaafay amaah ku joogay kooxda Talyaaniga isagoo si fiican u la qabsaday horyaalka Serie A ka dib markii uu ku fashilmay Old Trafford. Smalling ayaa diiday xagaagan inuu dib ugu soo noqdo Man United madaama uusan boos joogta ah ka heleynin sidaasi darteed Man United ayay qasab ku noqotay inay iskawada iibiso.…

Xiddigii Arsenal U Waalaneysay Ee Thomas Partey Oo London Ku

Khabiirka suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano oo ah nin si weyn u la socda dhaqdhaqaaqyada suuqa kala iibsiga ee kooxaha Yurub ayaa goor dhow shaaciyay in xiddiga Atletico Madrid ee ay Arsenal u waalaneysay Thomas Partey inuu haatan ku sii jeedo magaalda London ee caasimada Ingariiska. Thomas Partey ayaa ku biiraya kooxda Arsenal ka dib markii ay Gunners go’aansatay inay bixiso caawa lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa Atletico Madrid oo gaareysa 50 milyan euro. Sida uu sheegay Fabrizio, maamulka kooxda Atletico…

Man United Oo Dhameystirtay Mid Ka Mid Ah Saxiixyadeedii Ugu

Manchester United ayaa dhameystirtay saxiixa daafaca bidix Alex Telles oo ay kala soo wareegeen kooxda FC Porto isagoo haatan ah ciyaaryahan Manchester United ah. Man United ayaa xiddigaan ku soo xerogelisay lacag gaareysa 15 milyan euro iyo shan milyan euro oo ku xirnaan doonta qaab ciyaareedkiisa. 27 jirkaan reer Brazil ayaa Manchester United u saxiixay qandaraas afar sannadood ah isagoo qiyaar u heysta inuu sannad kale ku kordhisan karo heshiiska. Alex Telles ayaa tijaabada caafimaadka maray islamarkaana…

Waa Kuma Xiddiga Uu Tababare Ronald Koeman Saxeexiisa

Tababaraha xilli ciyaareedkiisii koowaad la bilawday Barcelona ee Ronald Koeman ayaa la sheegayaa inuu kalsooni ku qabo in madaxda suuqa ee kooxdiisu ay maanta soo dhammaystiri doonaan saxeexa Memphis Depay oo Lyon ka tirsan.Barcelona ayaa la aaminsan yahay inay kaliya u dhaqaaqi doonto saxeexa Depay haddiiba uu Dembele ka baxo kooxdeeda laakiin Koeman ayaa warkiisa caddeeyay markii uu markale keydka dhigay Dembele kulankii Sevilla ee xalay.Kaddib markii ay qaar kamida maamulka Barcelona weydiiyeen Koeman sababta uu u…

Manchester United Oo Wada-hadallo Meel Fiican Maraya Kula

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa waxay wada-hadallo meel fiican la isla marayo kula jirtaa Watford oo ay ka doonayso weeraryahanka reer Senegal ee Ismaila Sarr. Red Devils ayaa shaqo weyn ka wadda suuqa iibka ciyaartoyda maalinta ugu dambaysa ee uu xidhmayo, waxaanay rajaynaysaa inay ku guuleysan doonto saxeexyada dhawr laacib oo isbeddel ku samayn kara tayada iyo rajadooda xili ciyaareedkan. Sida ay kusoo warramayaan warbaahinta Ingiriisku, Manchester United ayaa gellinkii dambe ee maanta, waxay…

Liiska Saxiixyada La Dhameystiray Maanta Oo ah Deadline Day

Suuqa iibka ciyaartoyda ayaa xidhmaya caawa saqda dhexe ee xilliga Geeska Afrika, waxaanay kooxaha waaweyn iyo kuwa yaryariba ku mashquulsan yihiin sidii ay saxeexyo u samayn lahaayeen waqtiga kooban ee ay haystaan.20ka kooxood ee horyaalka Premier League ka kooban yahay, kuwa Spain, Germany illaa Serie A ayaa hawlgallo ku jira, waxaanay iskugu jiraan kuwo saxeexyo cusub samaynaya iyo kuwo laga qaadanayo ciyaaryahanno ay mulkiyaddooda leeyihiin.Intii uu furnaa suuqa xagaagani, waxa shaqada ugu weyn qabsatay Chelsea oo lasoo…

Liverpool Oo Dalbatay Goolhaye Caan Ah Kaddib Markii

Liverpool ayaa xidhiidh la samaysay kooxda kubadda cagta Tottenham oo ay ka doonayso goolhayaheeda Paulo Gazzaniga si uu xal degdeg ah ugu noqdo dhibaatada dhaawac ee soo gaadhay Alisson Becker oo muddo bil iyo dheeraad ah garoomada ka maqnaan doona.Jurgen Klopp ayaa shaaciyey in ugu yaraan lix toddobaad  uu ku maqnaan doono Alisson, laakiin dhakhaatiirta kooxda ayaa waxay sheegayaan inay suurtogal tahay inuu u baahdo in qalliin lagu sameeyo, taas oo keeni doonta in muddada uu maqnaanayo ay sii dheeraato.Sida uu qoray…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More