Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka oo Maanta sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis

 
Talaado, May, 21, 2024 (AX) – Agaasimaha hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe ayaa maanta isbadal ku sameeyay hogaanka NISA ee gobolka Banaadir.
Taliye Sanbaloolshe ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliyahii hay’adda Nabadsugida ee gobolka Banaadir Muxidiin Warbac, wuxuuna xilkaas u magacaabay Cabdifataax Ibraahim Shaaweeye oo mar soo noqday ku xigeenka hay’adda NISA.
Agaasime Sanbaloolshe ayaa sidoo kale Muxidiin Warbac u magacaabay Kaaliyaha Amniga ee Hey’adda NISA, halka Taliyaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho uu u magacaabay Cabdulqaadir Xaayow.
Isbadalka maanta lagu sameeyay qaar ka mid hogaanka NISA ayaa ku soo beegmaysa, iyadoo markii loo magacaabay Agaasimaha NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe uu sheegay inuu hay’adda ku sameyn doono isbadalo horumarineed, waana markii sadaxaad uu Sanbaloolshe noqdo Agaasimaha hay’adda NISA.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More