Soomaaliya iyo Kenya oo heshiisyo muhiim ah ku kala saxiixday magaalada Nairobi

 
Talaado, May, 7, 2024 (AX) – Xukumaddaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa galinkii dambe ee Shalay ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya heshiisyo is afgarad oo ku saabsan dhinacyada, arrimaha Dibada, Nabadgalyada, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Waxbarashada iyo arrimaha adeegga Bulshada.
Heshiiskaan oo ahaa is afgarad dhexmaray laba dowladood ayaa waxaa u kala saxiixay Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya Axmed Macallin Fiqi iyo Musalia Mudavadi, waxaana heshiisyadaan ay yihiin kuwa kor loogu qaadayo xiriirka iskaashiga iyo wax wada qabsiga ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.
Heshiiska dhanka Waxbarashada, Tababarka iyo Cilmi baarista ayaa sidoo kale Soomaaliya iyo Kenya waxaa sidoo kale u kala saxiixay Wasiiradda Waxbarashada labada dal Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Ezekiel Machogu.
Wasiirka Arimaha Dibadda ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo heshiiska is afgarad u saxiixay dhanka dowladda Soomaaliya ayaa si kooban u sharaxay qodobada ugu muhiimsanaa ee  heshiiska ay kala saxiixdeen dhigiisa dalka Kenya.
“Qodobada ugu muhiimsan heshiiska labada dal sadax qodob oo kala arrimaha dibadda  amniga, dhaqalaha iyo ganacsiga iyo arrimaha, waxaa ugu muhiimsana in ganacsiga la isku furo oo Kaluunka Kheyraadka Alle ku maneystay Baddena albaab cusub loo furo iyo xaga Waxbarashada oo tababarka Macalimiinta iyo is dhaafsiga qibrada la wadaago oo heshiis fican laga gaaray, dhanka siyaasada iyo amiga labada ayaa sidoo kale isfaham wanaagsan laga gaaray” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.
Ugu dambeyntii heshiisyadaan ayaa qeyb ka ah socdaal uu Shalay Nairobi ku tagay Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, kaasoo la xiriira adkaynta xiriirka labada dal ee horumarinta iskaashiga dhinacyada badan leh.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More