Browsing Tag

katirsan

Senator katirsan Maraykanka oo ka horyimid howlgallada cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya

 Khamiis, Juun, 13, 2024 (AX) - Warbixin uu soo saaray Senator Jim Risch ayuu ku muujiyay sida uu uga soo horjeedo in Soomaaliya loo dhaqan geliyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee taageerada howlgallada uu hoggaamiyo Midowga Afrika.Senator Risch ayaa aaminsan in Congress-ka uusan ansixin doonin tallaabadan, taa beddelkeedana uu soo jeedinayo in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ay diiradda saaraan hirgelinta qorshe lagu heshiiyo iyo xulashada howlgal macquul ah oo ay maalgeliso Qaramada Midoobay.Mawqifka…

Shaqaale katirsan Qaramada Midoobay oo ku dhaawacmay shil dooni oo ka dhacay Raaskambooni

 Jimco, Juun, 7, 2024 (AX) - Shaqaale samafal ah oo kala katirsan hay’adaha Qaramada Midoobay ee WFP iyo FAO ayaa ku dhaawacmay shil ay ku lug lahaayeen labo doon oo ku safrayay jasiiradaha Raaskambooni.Shaqaalaha dhaawacmay ayaa howlo samafal ah u  aaday degmada Badhaadhe iyo jasiiradaha ku xeeran, waxaana ay ka soo laabteen Raaskaambooni markii ay dhacdadan dhacday khamiistii shalay.Wararka ayaa sheegaya in afar qof oo ku dhaawacmay shilkaan, ay labo kamid ah qabaan dhaawacyo halis ah, waxaana loo qaaday magaalada…

Maraykanka oo sheegay inuu saddex katirsan Daacish ku dilay duqayn ka dhacday Waqooyi Bari

 Sabti, Jun, 1, 2024 (AX) - Taliska ciidanka Mareykanka ee Afrika (Africom) ayaa si rasmi ah u sheegay inuu fuliyay weerar cirka ah oo ka dhan ah kooxda Daacish ee Soomaaliya.Weerarkan ayaa ka dhacay meel ku dhow deegaanka Dhaardaar oo qiyaastii 81-KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee maamulka Waqooyi Bari.“Qiimaynta hordhaca ah ee duqeynta ayaa ah in saddex ka tirsan Daacish lagu dilay, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri war qoraal ah…

Waqooyi Bari: Ma jiraan ciidamo federaalka katirsan oo Waqooyi Bari ka howgalla

 Isniin, May, 27, 2024 (AX) - Dowlad goboleedka Waqooyi Bari ayaa si adag uga horyimid war kasoo baxay dowladda fedderaalka Soomaaliya oo ku saabsanaa in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay howlgal ka dhan ah Alshabaab ka fuliyeen degaanada Calmadow ee gobolka Sanaag.War saxaafadeed goor dhowayd kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay, in warkaasi uu yahay mid wax kama jiraan ah, iyadoo wasaaraddu tilmaamtay, in ay Waqooyi Bari amnigeeda ku filan…

20 katirsan Shabaab iyo horjoogayaashooda oo lagu dilay howlgal ka dhacay buuraha Calmadow ee Waqooyi Bari

 Axad, May, 26, 2024 (AX) - In ka badan 20 katirsan kooxda Alshabaab ayaa lagu dilay, tiro intaasi ka badanna waa lagu dhaawacay hawlgal ay iska kaashadeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka, kaasi oo ka dhacay buuraha Calmadow ee deegaannada Waqooyi Bari.Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalkan sidoo kale lagu qaarijiyay 3 kamid ah horjoogayaasha Shabaab. kuwaas  oo ku dhuumaalaysanayay buuraha Calmadow.Sida ay dowladdu sheegtay, Hawlgalkan ayaa lagu…

Golaha Ammaanka oo Cunaqabatayn kusoo rogay hoggaamiyayaal katirsan Alshabaab

 Khamiis, May, 23, 2024 (AX) - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale cunaqabateyn ku soo rogay hoggaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab.Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir, Maxamed Cumar Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Mire ayaa lagu eedeeyay inay ka qayb qaateen maalgelinta, qorsheynta, fududaynta, iyo diyaarinta dhaqdhaqaaqyada Al-ShabaabWar saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in saddexda hoggaamiye lagu daray liiska cunaqabateynta ee hoos yimaada Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2713.Waxaa lagu soo rogay…

Waqooyi Bari oo xukunno isugu jira dil iyo xabsiyo ku ridday rag loo haysto inay katirsan yihiin Alshabaab

Talaado, May, 21, 2024 (AX) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Waqooyi Bari ayaa xukunno isugu jira dil iyo xabsiyo ku ridday afar eedaysane oo lagu helay inay xiriir laleeyihiin kooxda Alshabaab.Eedeysanaha koowaad oo lagu magacaabo Maxamuud Maxamed Axmed (Qeyliye) ayaa lagu helay inuu heshiis kula jiray horjoogaha kooxda Alshabaab ee Waqooyi Bari.Maxkamaddu waxay sheegtay eedeysanahan inuu Shabaab u qaabilsanaa inuu u kaxeeyo gaadiidka lagu soo qaado dableyda kooxda Shabaab u qaabilsan dilalka qorshaysan.Maxkamaddu…

Kenya oo sheegtay inay qabatay xubin katirsan Alshabaab oo lagu magacaabo Abuu Maahir

Arbaco, May, 1, 2024 (AX) - Hay’adaha amniga ee dalka Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Mustakima Mohammed Ali oo loo yaqaan Abu Maahir, oo la sheegay inuu katirsan yahay kooxda Alshabaab.Ninkaan ayay dowladda Kenya nolol iyo geeri ku raadinaysay tan iyo 2019, isagoo loo haysto dilka sarkaal bilays ah iyo laba qof oo kale, dilkaas oo ka dhacay Gobolka xeebta ee Lamu.Ciidamada ammaanka ayaa xiray ninkaan, isagoo bas ka soo raacay Lamu kuna socday Malindi.Kenya waxay sheegtay, in Mustakima uu ka mid ahaa argagixisadii…

Xubin katirsan guddiga arrimaha dibadda ee Sanate-ka Maraykanka oo ku baaqay in lala macaamilo Gobaladda Waqooyi

Isniin, April, 29, 2024 (AX) - Senator Jim Risch, oo ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga Xidhiidhka arrimaha Dibadda ee Senate-ka Mareykanka, ayaa ku booriyay maamulka madaxweyne Biden inay la macaamilaan Gobaladda Waqooyi.Jim Risch, wuxuu sheegay in siyaasadda Soomaaliya oo keliya aysan ka tarjumayn xaqiiqada."Waxaan ku booriyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka inay la shaqeyso Gobaladda Waqooyi oo aysan iska indha tirin horumarka dimoqraadiyadeed," ayuu yiri Senator Risch isagoo intaas ku daray in asxaabtiisa…

Xubno katirsan Golaha Deegaanka Hargaysa oo xabsiga la dhigay

 Jimco, April, 26, 2024 (AX) - 3 xubnood oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargaysa, ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii ay ka hor yimaadeen qorshe dad danyar ah lagaga rarayo goob dhisme laga dhisayo.Xubnaha xabsiga la dhigay ayaa magacyadooda lagu sheegay Siikaawi, Siciid Jaamac iyo Fidaar, sida uu baahiyay MMTV booliiska ayaa jidhdil u gaystay markii la qabanayay Fidaar.Khilaafka sababay xadhiga xubnahan ayaa ka dhashay khilaafka ka taagan goob ku taala suuqa Gobonimo oo ay dowlada hoose ka dhisayso dhisme cusub oo ay…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More