Xubno katirsan Golaha Deegaanka Hargaysa oo xabsiga la dhigay

 Jimco, April, 26, 2024 (AX) – 3 xubnood oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargaysa, ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii ay ka hor yimaadeen qorshe dad danyar ah lagaga rarayo goob dhisme laga dhisayo.
Xubnaha xabsiga la dhigay ayaa magacyadooda lagu sheegay Siikaawi, Siciid Jaamac iyo Fidaar, sida uu baahiyay MMTV booliiska ayaa jidhdil u gaystay markii la qabanayay Fidaar.
Khilaafka sababay xadhiga xubnahan ayaa ka dhashay khilaafka ka taagan goob ku taala suuqa Gobonimo oo ay dowlada hoose ka dhisayso dhisme cusub oo ay yeelan doonto xarunta Degmada 26-ka Juun ee magaalada Hargaysa, iyada oo laga rarayo dad danyar ah.
Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan Golaha Wakiilada Gobaladda Waqooyi, ayaa dhaliilay qorshaha dowlada hoose, isaga oo ku tilmaamay wax aan la aqbali karin, wuxuuna ku baaqay in shacabka loo tudho, waxa uuna ku goodiyay in uu hoggaamin doono kacdoon shacab.
Duqa Magaalada Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge oo ay hore saaxiib dhaw u ahaayeen Xildhibaan Barkhad Batuun, ayaa dhaliisha Batuun si deg deg ah uga jawaabay, isaga oo sheegay in uu isagu ka talinayo danta dadka.
“Shacabku wey kala yaqaanaan siyaasiga khatallayaa, si uu ugu gaadho dano uu leeyahay isaga oo ka ganacsanayaa dareenkooda iyo ka habeen iyo maalinba u taagan dantooda, horumarkooda ee u diyaara in uu la fadhiisto maqlo dareenkooda, dhagaysto cabshooyinkooda si uu wax uga qabto” ayuu Mooge ku baahiyay bartiisa Facebook.
Sharciga cusub ee golaha deegaanada ayaa xubnaha golaha ka qaadaya xasaanada marka laga reebo maayarka iyo maayar ku xigeenka, sidookale sharciga ayaa dhigaya in loogu yeedho uun xubno gole deegaan oo anay xildhibaanno ahayn.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More