Shaqaale katirsan Qaramada Midoobay oo ku dhaawacmay shil dooni oo ka dhacay Raaskambooni

 
Jimco, Juun, 7, 2024 (AX) – Shaqaale samafal ah oo kala katirsan hay’adaha Qaramada Midoobay ee WFP iyo FAO ayaa ku dhaawacmay shil ay ku lug lahaayeen labo doon oo ku safrayay jasiiradaha Raaskambooni.
Shaqaalaha dhaawacmay ayaa howlo samafal ah u  aaday degmada Badhaadhe iyo jasiiradaha ku xeeran, waxaana ay ka soo laabteen Raaskaambooni markii ay dhacdadan dhacday khamiistii shalay.
Wararka ayaa sheegaya in afar qof oo ku dhaawacmay shilkaan, ay labo kamid ah qabaan dhaawacyo halis ah, waxaana loo qaaday magaalada Muqdisho, si loogu soo daweeyo.
Wali lama xaqiijin sababta keentay shilkan, waxaana la sugayaa warbixinta ugu danbeysa ee ka soo baxda maamulka Jubbaland.
Wasaaradda kalluumaysiga Jubbaland oo war kasoo saartay dhacdadan ayaa sheegtay in aad uga xuntahay dhaawaca soo gaaray shaqaalaha samafalka ah ee iskood isu xilqaamay, waxayna u rajaysay soo kabasho degdeg ah.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More