Gobaladda Waqooyi oo soo bandhigtay caddaymo ku aadan jabhada ay sheegtay in ay Jabuuti joogto

 
Talaado, Luulyo, 2, 2024 (AX) – Gobaladda Waqooyi ayaa soo bandhigtay caddaymo ay sheegtay in ay muujinayaan jiritaanka jabhad ka dhan ah jiritaankeeda oo ku sugan dalka Jabuuti.
Kadib markii ay dowlada Jabuuti gabi ahaanba beenisay jiritaanka dhaqdhaqaaq ka dhan ah Gobaladda Waqooyi oo dalkeeda ku sugan, Wasiirka Warfaafinta Gobaladda Waqooyi Cali Xasan Maxamed ‘Cali Mareexaan’ ayaa soo bamdhigay caddaymo uu sheegay in ay muujinayaan jiritaanka jabhada.
“Waa kuwaa nimankii Awdal State sheeganayay waxay fadhiyaan fagaarihii waynaa 27 Juun laga xusayay, halkaana waxa fadhiisan kara uun qof lasoo martiqaaday, xaflalado waa wayn ayay qabanayaan iyaga oo abaabulaya in Gobaladda Waqooyi iyo gobolka Awdal lagu kaco” ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.
Waxa uu sheegay in anay filayn in Jabuuti ay martigaliso dhaqdhaqaaq ka dhan ah Gobaladda Waqooyi, marka labaadna ay la yaabeen in ay beeniso jiritaanka jabhada, oo uu sheegay in ay abaabul balaadhan ka wadaan Jabuuti isla markaana ay jeedinayaan qudbado isdaba joog ah oo ka dhan ah Gobaladda Waqooyi.
Waxa uu sheegay in si adag ay labada dhinacba u waardiyaynjireen xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhaxeeya shacabka Jabuuti iyo  shacabka Gobaladda Waqooyi, isla markaana ay uga fadhiyaan Jabuuti in ay wax la taaban karo ka qabato cabashadooda.
“Jabuuti waxaynu naqaanaa in ay tahay dal cid aan dowladu ogayni anay iska soogali karin, heshiis hore ayaa jiray nabadgalyada xuduudaha ayaa la wada ilaalin jiray saxarka ayaa laga dhawri jiray, wax aanu filaynay may ahayn” Ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.
Wasiirku waxa uu sheegay in tan iyo markii uu dhacay isfahankii Itoobiya in tobanaan jeer ay Jabuuti kasoo yeedheen hadalo ka dhan ah Gobaladda Waqooyi, lakiin anay Gobaladda Waqooyi ka jawaabin oo ay ixtiraamaysay walaaltinimada.
Xukumadda Jabuuti ayaa laba war oo kala danbeeyay Isniintii ku beenisay jiritaanka jabhada ay Gobaladda Waqooyi ka cadhootay, inkasta oo ay hoggaamiyayaasha Awdal State hadalo hanjabaado ah Gobaladda Waqooyi uga soo direen caasimada Jabuuti.




This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More