Taliye Xijaar oo qiimeynaya sida Booliiska Soomaaliya uu ugu

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar & saraakiil kale oo katirsan ciidanka ayaa maanta kormeer qiimeyn Amni & shaqo ku tagaya Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta DG Galmudug.

Saraakiil katirsan DG Galmudug ayaa Axadle u xaqiijiyay in ay diyaariyeen goobaha loogu talagalay in la dajiyo Taliye Xijaar iyo xubnaha la socda, iyaga oo tagaya xarumaha ciidanka ay ku howlgalaan.

Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo marar kala duwan isbadal ku sameeyay saraakiisha Saldhigyada, Taliska qaybaha iyo hoggaankoodaba ayaa ka xog dhageysanaya xaaladda amniga iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin ka howlgalidda Degmooyinka loo asteeyay Doorashada.

Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar Taliyaa Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa kormeer qiimeyn amni ah ku tagaya magaalooyinka loo qorsheeyay in lagu qabto doorashada kuraasta Baarlamaanka Soomaaliya.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada oo kaashanaya howlgalka AMISOM ayaa sugaya ammaanka Ergada beelaha dooraneysa Kuraasta Baarlamaanka iyo musharixiinta qudhooda.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More