Muqdisho (AX) — Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa diiday walaaca laga qabo in al‑Shabaab qabsan karto dhul haddii ciidamada Midowga Afrika ay dalka ka baxaan, isagoo sheegay in ciidamada Soomaaliya ay diyaar u yihiin inay kaligood sii wadaan dagaalka.
Isagoo Axaddii ka hadlayay Muqdisho, Fiqi wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya, ciidamadeeda ammaanka iyo shacabka ay si wadajir ah uga hortagayaan kooxda mintidka ah. Wuxuu intaas ku daray in ololuhu sii socon doono, haddii ay joogto iyo haddii kaleba Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.
- Advertisement -
“Al‑Shabaab ma qabsan karto xitaa hal tuulo haddii AUSSOM ay Soomaaliya ka baxdo,” ayuu yiri Fiqi.
Wasiirku wuxuu sidoo kale cambaareeyay siyaasiyiin aan magacyadooda la sheegin oo Soomaaliya u sawiraya beesha caalamka inay tahay dowlad fashilantay, leh amni daciif ah isla markaana halis ugu jirta inay gacanta u gasho al‑Shabaab.
Fiqi wuxuu sheegay in sheegashooyinkaasi ay indhaha ka qarsanayaan guulaha ay gaareen ciidamada Soomaaliya, isla markaana ay wiiqayaan kalsoonida shacabka ee hay’adaha dalka.
Hadaladiisa ayaa imanaya xilli mustaqbalka AUSSOM uu weli mugdi ku jiro, iyadoo sidoo kale aan caddayn habaynta taageerada saadka ee Qaramada Midoobay ay siiso ciidamada Midowga Afrika ee ka hawlgala Soomaaliya.
Mareykanka ayaa oggolaaday in Qaramada Midoobay loo kordhiyo hal sano oo dheeraad ah si ay u soo afjarto taageeradeeda nabad-ilaaliyeyaasha Afrika ee Soomaaliya, sida ay Reuters werisay, iyadoo tixraacaysa dukumenti ay aragtay.
Go’aankan wuxuu siinayaa howlgalka Midowga Afrika waqti ka badan kii la filayay, hase yeeshee ma xallinayo su’aalaha ku saabsan rajadiisa muddada fog.
AUSSOM waxay si weyn ugu tiirsan tahay caawimada Qaramada Midoobay ee sahayda iyo adeegyada muhiimka ah, oo ay ku jiraan cunto, biyo, shidaal, daryeel caafimaad iyo gaadiid loogu talagalay ciidamada.
Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo ka laabtay dhowr ballanqaad oo caalami ah, ayaa warqad diblomaasiyadeed bishii Luulyo u diray Midowga Afrika, kuna sheegay inuu adeegsan doono saameyntiisa si uu u hor istaago sii socoshada taageerada Qaramada Midoobay ee nabad-ilaaliyeyaasha bilowga sannadka dambe.
Al‑Shabaab, oo ah urur mintid ah oo xiriir la leh al‑Qaacida, ayaa weli weerarro ka fulisa guud ahaan Soomaaliya inkastoo ay socdaan howlgallo milatari oo ay wadaan ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibadooda caalamiga ah.