Skip to content
Sunday, November 1, 2026 20 Jumada al-Ula 1448 AH Dhuhr 11:42
Muqdisho 30°C
Breaking: Trump says US still must “take care” of one or two targets in Iran
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

Puntland oo digniin culus soo saartay – maxaa soo

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 2-minute read

Boosaaso (Axadle) – Maamulka Puntland ayaa soo saaray digniin ku aadan dabaylo xoogan & roobab laga cabsi qabo inay ku dhuftaan xeebaha Bari ee maamulkaasi.

Warqad kasoo baxday maamulka gobolka Bari ayaa waxaa lagu sheegay in saacadaha soo socoda ay dabaylo & roobab ku wajahan yihiin bada sida ay sheegeyso saadaasha cimilada.

- Advertisement -

Maamulka ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan deegaanada ku dhow xeebaha in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, isla-markaana ay ka fogaadaan Togaga & dhulka banaan.

“Hadaba waxaa la farayaa shacabka degan dhulka Banaan, Togaga iyo meelaha u dhow xeebta inay ka fogaadaan goobahaas si looga taxadaro in dhibaato ka soo gaarto dadka iyo duunyada,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maamulka gobolka Bari ee Puntland.

Sidoo kale maamulka ayaa ku amray saraakiisha ammaanka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka in 48 saac ee soo socda aysan wax gadiid ah u bixi karin dhanka badda.

Halkan hoose ka aqriso:-

Maamulka Gobolka Bari waxaa uu la wadaagayaa Shacabka Gobolka in 48 saac ee soo socda ay jiraan roobab xoogleh iyo dabeeylo dhanka bada u badan hadii alle idmo sida saadaasha cimiladu sheegeyso.

Hadaba waxaa la farayaa shacabka degan dhulka Banaan, Togaga iyo meelaha u dhow xeebta inay ka fogaadaan goobahaas si looga taxadaro in dhibaato ka soo gaarto dadka iyo duunyada.

Sidoo kale waxa la faray Taliska qeybta Booliska Gobolka Bari Iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Bari in ay 48 saac ee socoda ay wax gaadiid ah u bixi karrin bada, sidoo kale waxa la faray Isu-Duwayaasha Wasaaradaha Dekadaha Iyo Kaluumaysiga in ay si dhow uga war-hayaan arrintaas.

Sidoo kale waxa ay gaarri kartaa Gobolka Gardafuu waa in aay aad uga taxadaraan arrintaas.

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes