SAN FRANCISCO – Shirkadda weyn ee tiknoolajiyadda Nvidia ayaa dib ugu soo celisay Jensen Huang xilalka madaxweynaha iyo madaxa fulinta (CEO), maalmo kooban uun kadib markii uu shaqada ka degay sababo la xiriira fadeexad ka dhalatay warar sheegaya inuu xiriir hoose la lahaa haweeney lagu tuhunsan yahay inay u shaqeyso sirdoonka Shiinaha.
Go’aankan ayaa yimid Isniintii kadib markii guddiga maamulka Nvidia ay aqlabiyad buuxda ugu codeeyeen in Huang dib loogu dhiibo hoggaanka shirkadda. Madaxda shirkadda ayaa sheegay inay wadahadallo iyo kulammo qoto dheer kadib ku qanceen daacadnimadiisa iyo awooddiisa hoggaamineed, iyagoo xusay inay sidoo kale talooyin ka heleen saraakiil sarsare oo ka tirsan xukuumadda Mareykanka, kuwaas oo xaqiijiyay in tallaabadani aysan wax khatar ah ku ahayn amniga qaranka.
Madaxweyne Donald Trump ayaa dhankiisa shaaciyay inuu door lama-huraan ah ku lahaa go’aankaas, isagoo wareysi uu siiyay telefishinka CNBC ku sheegay inuu la xiriiray xubnaha guddiga Nvidia isla markaana ku qanciyay inay Huang soo celiyaan. Trump ayaa intaa ku daray in dowladdiisu ay shirkadda siisay dammaanad buuxda oo muujinaysa inaanay jirin wax cabsi amni ah oo ka dhalan karta soo noqoshadiisa.
Huang ayaa xilka banneeyay 12-kii November, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu xiriir ka baxsan guurka la lahaa haweeney lagu magacaabo Alice Huang, oo hore u maamuli jirtay shirkadda Megaspeed ee fadhigeedu yahay Singapore, laguna tuhunsan yahay inay xiriir la leedahay sirdoonka Shiinaha. Eedeymaha la xiriira basaasnimada ayaan weli si rasmi ah loo caddayn, iyadoo baaritaanno arrintaas ku saabsanina ay socdaan.
Soo laabashada degdegga ah ee Huang ayaa markiiba saameyn togan ku yeelatay suuqyada maaliyadda, iyadoo qiimaha saamiyada Nvidia uu sare u kacay 31 boqolkiiba maalintii Isniintii, taas oo shirkadda u yeeshay ku dhowaad hal tiriliyan oo doollar oo qiime dheeraad ah. Si kastaba ha ahaatee, saamiyada ayaa weli wax yar ka hooseeya heerkii ay taagnaayeen ka hor intii uusan Huang xilka wareejin.
Dhanka kale, arrintan ayaa dhalisay dareen caro leh oo ka yimid xildhibaanno ka tirsan labada xisbi ee Mareykanka, kuwaas oo su’aalo ka keenay in cadaadiska siyaasadeed iyo danaha dhaqaale laga hormariyay arrimaha xasaasiga ah ee amniga qaranka. Huang ayaa la filayaa inuu 1-da December su’aalo kaga jawaabo kulan albaabadu u xiran yihiin oo ay yeelanayaan guddiyo ka tirsan Aqalka Wakiillada, iyadoo sidoo kale looga yeeray inuu 3-da December hor tago guddiga Bangiyada ee Aqalka Senate-ka.
Dhacdadan ayaa sidoo kale xiiso weyn dhalisay kadib markii la ogaaday in Trump uu saami maalgashi ku leeyahay shirkadda Nvidia, taas oo kicisay tuhunno ku saabsan isku dhac danta guud iyo danta gaarka ah. Si kastaba, Aqalka Cad ayaa hore u beeniyay eedeymaha sheegaya in madaxweynuhu uu awoodda dowladda u adeegsado danihiisa dhaqaale.
Shirkadda Nvidia waxay ka mid tahay shirkadaha ugu qiimaha sarreeya dunida maanta, waxayna hormuud u tahay soo saarista qalabka iyo microchips-ka casriga ah ee loo adeegsado kobcinta sirdoonka macmalka ah (AI).
AXADLETM