U bood qoraalka
Saturday, October 24, 2026 12 Jumada al-Ula 1448 AH Fajr 04:31
Muqdisho 26°C
Deg-deg: Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay iska horimaadyo dhex maray Oromada iyo Soomaalida oo ka dhacay Moyale, Itoobiya; kumannaan ayaa u qaxay Kenya
Warar Deg-deg ah
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

Maydka qof la dilay oo saakay lagu arkay Degmada Howlwadaag.

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Maydka-qof-la-dilay-oo-saakay-lagu-arkay-Degmada-Howlwadaag

Xaafadda Salaama oo dhaxeysa Isgoysyada Baar Ubax iyo Balaagsii Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan laamiga dheer ee Soddonka waxaa saakay lagu arkay maydka qof la dilay.

Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka ayaa tagay halka lagu dilay Ninkaan oo ah dhanka dhinaca laamiga ay ka maraan Gawaarida kasoo tagta Baar Ubax ee aadda dhanka Balaagsii (Black Sea).

- Advertisement -

Baakado ayay dul saareen, Ciidamada Booliiska ayaa xiray waddooyinka u dhaw halka Maydka lagu arkay, waxaana laga celinayay dadka lugeynayay sida Axadle ay u xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

“Qof la dilay oo aan garaneyn cidda dishay ayaa saakay ku aragnay laamiga soddonka gaar ahaan xaafadda Salaama, Ciidamada Booliiska Degmada Howlwadaag ayaa tagay oo dhinac kamid ah wadada xiray, waxaana yimid Askarta baarista ee xarunta C.I.D-da” Sidaasi waxaa Axadle u sheegay qof kamid ah dadka deegaanka.

Ilaa haatan lama hayo xogta ninkaan la dilay ee Maydkiisa saakay lagu arkay Xaafadda Salaamka Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, sidoo kale Hay’adaha amniga Dowladda Federaalka kama aysan hadlin.

Waaxda Xaawo Taako Degmada Howlwadaag ee uu ka dhacay dilkaan waxaa maalin kahor waa Khamiistii ka dhacay Qarax ismiidaamin qof jaakad walxaha lagu soo xiray watay uu fuliyay, waxaana ku dhintay Taliye katirsan Nabadsugidda.

Axadle

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes