Skip to content
Thursday, October 29, 2026 17 Jumada al-Ula 1448 AH Dhuhr 11:42
Muqdisho 29°C
Breaking: Spain begins three days of mourning after train collision kills 68
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

Marjaca go’aanada la xiriira doorashada dalka oo loo gacan g…

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read

Muqdisho (Axadle) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf Axmed ayaa markii u horeysay shaaciyey in Maxkamadda Sare ay tahay marjaca u dambeeya ee ka go’aan gaari kara doorashada.

Baashe oo hadal ka jeedinayey shirka Madasha Garsooreyaasha oo ah madal saddex biloodle ah oo ay Garsooreyaashu ku kulmaan, ayaa si cad u sheegay in cabasho kasta oo ka timaada doorashooyinka dalka ay dacwadeeda qaadeyso Maxkamadda Sare ee dalka.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in go’aan kasta oo ay gaaran Gudiyada doorashooyinka uu yahay mid maamul, oo aan lagu qasbaneyn in la raaco, islamarkaana aysan ka garnaqi karin cabasho kasta oo ka timaada doorashooyinka, taasi oo marjaceedu yahay Maxkmadda Sare, sida uu sheegay.

“Maxkamadda Sare waxa ay diyaar u tahay inay ka garnaqdo cabasho kasta oo ka dhalata go’an kasta oo ay gaaran gudiyada doorashooyinka heerkasta ay yihiin, marka waxaan rabaa in qofkasta uu arrintaasi ku baraarugsanaado,” ayuu yiri Guddoomiye Baashe.

Sidoo kale waxa uu xusay in cid kasta oo uu saameeyo go’aanada ay gaaran guddiyada doorashada aysan u arkin in waajib sharci ah uu yahay go’aankooda, hase yeeshe waxa asalka uu yahay dastuurka dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre ayaa imanaya xili dhawaan la filayo in dalka ka bilowdaan doorashooyinka Xildhibaanada labada aqal, islamarkaana ay jiraan cabashooyin laga muujinayo hanaanka doorashooyinkaas.

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes