Skip to content
Thursday, October 29, 2026 17 Jumada al-Ula 1448 AH Asr 15:03
Muqdisho 30°C
Breaking: Spain begins three days of mourning after train collision kills 68
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

Mareykanka oo go’aan ka gaaray sharci ay si weyn uga war sug…

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 2-minute read

Washington (Axadle) – Xoghayaha Amniga Gudaha ee Dowladda Maraykanka Alejandro Mayorkas ayaa ku dhowaaqay in dadka Soomaalida ah ee sharciga aan ku lahayn Maraykanka 18 bilood lagu kordhiyey waqtiga ay sii joogi karaan waddankan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Soomaaliya mar kale loo asteeyey inuu yahay waddan ay dhibaato ka taagan tahay.

- Advertisement -

Dadkaasi joogitaanka loo kordhiyey ayaa lagu magacaabaa inay haystaan Xaalad Joogitaan oo ku meel-gaar ah ama Temporary Protected Status (TPS).

Kordhinta joogitaankooda ayaa ka billaabanaya bisha soo socota ee September 18-keeda 2021, waxayna ku egtay bisha March 17-keeda sannadkan 2023.

Waxa uu sheegay xoghayuhu in tallaabadan cusub ay dawladda Maraykanka u saamaxayso inay gabbaab siiso dadka Soomaalida ah ee aan ku laaban karin dalkooda colaadda taagan iyo xaaladda bani’aadannimo darteed. 

“Waxaan sii wadi doonaa inaan gargaar siino muwaadiniinta Soomaalida ah muddadan ku meelgaarka ah ee loo eegayo dhinaca bani’aadannimada,” ayuu yiri Xoghaye Alejandro Mayorkas.

Joogitaankan ku meel-gaarka ah ayaa la siiyaa dadka sharciga aan ku lahayn Maraykanka iyo kuwa waayey sharciga balse aan ku laaban karin waddamadii ay ka yimaadeen.

Xoghayaha ayaa sheegay inuu gaaray go’aankan kadib markii wadatashi uu la sameeyey hay’adaha kala duwan ee Maryaknaka, si taxaddar lehna uu u dersay colaadda iyo xaalada Soomaaliya oo uu sheegay inay ka mid yihiin soddon sano oo colaado ah, cudurro, masiibooyin daaiici ah iyo qalalaasaha dhinaca bani’aadannimada.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dhwaan la kulantay gacan ka hadal kordhay, abaar, fatahaado oo biirsaday cunno yarida, barakaca iyo xanuunka Covid-19.

Waxa uu sheegya in tallaabadan ay u oggolaanayso ilaa 447 qof inay ka faa’iidaystaan oo ay sii joogaan Maraykanka tan iyo Maarso 17, 2023 haddii ay fuliyaan shuruudaha laga doonayo.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in go’aanka Soomaaliya loogu asteeyey inay tahay waddan dhibaato ka taagan tahay ay ka faa’iidayaan dad lagu qiyaasay 100 qof oo Soomaali ah ama shaqsiyaad aan dhalasho haysan laakiin markii ugu dambaysay ku noolaa Soomaaliya.

Xigasho: VOA

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes