Hogaamiye Farmaajo oo BFS ka dalbaday codsiinta Xukuumadda

Hogaamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warsaxaafadeed uu soosaaray ku bogaadiyay Magacaabista Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Golaha shacabka BFS oo loo gudbinayo Wasiirada Magacaan ayuu Hogaamiye Farmaajo ka codsaday in codka la siiyo Xukuumadda Cusub oo waxyaabaha horyaalla ay ugu weyn tahay hirgelinta Doorashada Dalka 20/21-ka.

“Hogaamiyaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyay Wasiirka Koowaad ee dalka Maxamed Xuseen Rooble soo dhisidda Xukuumad tayo leh oo ka shaqeyn karta hirgelinta qorsheyaasha hortabinta u leh shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan qabsoomidda doorashada, adkeynta amniga iyo sii ambaqaadidda guulihii dhanka dowladnimada ee sanadihii la soo dhaafay la gaaray” Sidaasi waxaa lagu yiri Warka kasoo baxay Villa Somalia.

Hogaamiyaha DFS ayaa Raysul Wasaarihiisa ku bogaadiyay kaalinta Bulshada uu ka siiyay xulista Golaha cusub ee Wasiirada magacaaban balse kalsoonida ka sugaya Golaha Shacabka BFS.

“Hogaamiye Farmaajo oo ku ammaanay Raysul Wasaaraha Xukuumadda tashiyadii ballaarnaa ee uu kala yeeshay qeybaha bulshada soo xulista Golaha cusub ee Xukuumadda ayaa kula dardaarmay dhammaan Golaha Wasiirrada in ay noqdaan masuuliyiin ka tarjuma hamiga iyo himalada ay ku qabaan shacabka Soomaaliyeed xilligaan muhiimka u ah dowlad-dhiska iyo horumarka dalka” ayaa lasii raaciyay warka Madaxtooyada Soomaaliya kasoo baxay.

Hogaamiyaha DFS ayaa Golaha Shacabka ugu afeeftay in uu codka siiyo Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble, si howlaha culus ee waqti xileedka kooban ee dhiman ay u qabato Xukuumaddiisa cusub.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More