Skip to content
Thursday, October 29, 2026 17 Jumada al-Ula 1448 AH Dhuhr 11:42
Muqdisho 30°C
Breaking: Spain begins three days of mourning after train collision kills 68
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

Habraaca doorashada Aqalka Sare oo lasoo saaray (Aqriso) – C…

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 2-minute read

Muqdisho (Axadle) – Waxaa lasoo saarat habraaca doorashada xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka, shuruudaha, warqada anshaxa musharaxiinta u tartami doona Aqalka Sare iyo Akoon Bangi uu musharaxu ku shubayo Khidmada lacageed ee 20,000 oo dollar ah.

Qoraal ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federal ayaa lagu yiri, “Guddigu waxa uu la wadaagayaa codsi qoraal ah Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada in ay u soo sharaxaan musharaxiinta Aqalka Sare ugu yaraan labo musharax kursi kasta, si waafaqsan shuruudaha xubinnimada golaha Aqalka Sare.”

- Advertisement -

Sidoo kale Guddiga ayaa qoraalkaan ku sheegay inuu qabanayo waraaqaha magacaabista musharaxiinta Aqalka Sare, iyagoo ka hubinaya shuruudaha musharaxnimada, isla markaana xaqiijinaya metelaadda qoondada haweenka ee30%.

Sida lagu shaaciyey qoraalka guddiga shuruudaha laga doonayo musharixiinta Aqalka Sare ayaa kala ah qodabadaan soo socda:

1 – In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Fcderaalka Soomaaliya2 – In Dhimirkiisu dhan yahay3 – In da’diisu aysan ka yarayn 25 sano4 – In Ann xuquuuqdiisa muwaadinnimo go’aan maxkamadceed lagu hakin shanti (5) nano ee ugu danbeysay.5 – Inuu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.6 – In uusan ka tirsanayn ama wax xiriir ah la lahayn kooxa argagixisada ah.7 – In uu haysto waraaqda dembi la’aata ee hey’adda dembi baarista (CID) maamul goboleed ama mid federal.

“Mushamx kasta oou tartamaya Galaha Aqalka Sare waa in uu bixiyaa lacagta is diiwan-gclinta, kuna shubaa xisaabta bangiga ee Guddiga Doorashooyinka.”

1 – Lacagta is diiwan-galinta Musharaxiinta u tanamaya Aqalka Sare waxay noqonaysaa $20,000 (Labaatan kun oo dollar) musharaxiinta Golaha Shacabka $10,000 (Toban kun oo dollar)

2 – Lacagta is diiwaan-gelinta Musharaxiinta dib looma celinayo.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes