DEG DEG: Guddiga doorashada oo doortay guddoomiye cusub oo r…

Muqdisho (Axadle) – Guddiga doorashada heer Federaalka ayaa goor dhaweyd doortay guddoomiye cusub oo rasmi ah kadib codeyn Maanta ka dhacday Xerada Afisyooni ee Caasimadda Muqdisho.

Tartanka guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa waxaa u tartamay illaa 5 musharax oo kala ah:1- Maxamed Xasan Cirro, 2- Liibaan Axmed Xasan (Liiban Shuluq), 3- Cabdi Xiis Aadan 4- Cabdcasiis Yuusuf, 5- Maxamed Muuse.

Wareegga labaad doorashada ayaa waxaa usoo gudbay Maxamed Xasan Cirro oo helay 12 cod iyo Liibaan Axmed Xasan (Liiban shuluq) oo helay 8 cod.

Wareegga labaad ee doorashada ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Xasan Cirro oo helay 14 cod halka Liibaan Shuluq uu helay 10 cod, sidaasna waxaa guddoomiye ku noqday Maxamed Xasan Cirro oo horeyna usoo noqday guddoomiyihii guddiga doorashada ee la kala diray.

Maxamed Xasan Cirro ayaa xilligii uu noqday guddoomiyaha guddigii doorashada ee muranka dhaliyey ee markii dambe la kala diray waxa uu si xooggan ugu xirnaa Villa Somalia, balse ma cadda waxa hadda arrintaas iska beddelay.

Doorashada ayaa si daah furan u dhacday, waxaana agaasinkeeda lahaa Guddiga Farsamada ee isku xirka howlaha doorashada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo si weyn loogu amaanay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More