“Nabaddu ma aha oo keliya dagaal la’aan; balse waa caddaalad jirta.” Oraahdan oo inta badan loo tiiriyo Martin Luther King, waxay si qoto dheer u taabanaysaa xaqiiqada dhabta ah ee qof kasta oo Soomaali ahi dareensan yahay: maanta ma nabad baa ina haysa, mise waa hubkii uun baa naga aammusay? Lix iyo labaatan sano ka hor, waxaan bilownay dhabbihii dib-u-heshiisiinta qaran iyo dib-u-yagleelidda dowladnimadii Soomaaliya. Shirkii Nabadda ee Carta ee lagu qabtay dalka Jabuuti wuxuu miis keliya isugu keenay odayaal dhaqameed, hoggaamiyeyaal siyaasadeed iyo kuwo bulsho, culimo, aqoonyahanno iyo ururrada haweenka, iyadoo madaxdu ay ballanqaadeen joojinta colaadaha hubeysan, hub ka dhigis, dib-u-dhis, iyo in wixii khilaaf ah lagu dhameeyo wada-hadal. Tubtaas taariikhiga ahayd ayaa dhashay Jamhuuriyaddii Saddexaad ee Soomaaliya, taasoo dib u soo noolaysay rajadii ahayd in la helo dowlad Soomaaliyeed oo midaysan.
Jiil kasta dal buu dhaxlaa; jiilkeennuna wuxuu dhaxlay Soomaaliya ay nabarro xun ku reebeen dagaalladii sokeeye, ay ragaadiyeen abaaraha soo noqnoqday iyo argagixisadu, isla markaana ay kala kaxaysay qabyaaladdu. Hubaal, nabad baa jirta; waxaanu nahay qaran adkaysi badan, balse ma sii wadi karno uun tebinta sheekooyinkii hore; waxaa la joogaa xilligii aan isweydiin lahayn maxaa noqon doona dhaxalkeenna? Maxay jiilkeennu qaban doonaan si ay mustaqbalka u beddelaan? Waxa maanta gacanteenna ku jiraa waa ka badan yihiin burbur; Soomaaliya ma taagna halkii ay joogtay soddon sano ka hor. Waxaan dib u dhisnay hay’adihii qaranka, waxaan helnay cafis taariikhi ah oo deynta nalaga cafiyay, waxaan ku biirnay Dalladda Bulshada Bariga Afrika (East African Community), waxaan ballaarinnay hannaankeenna maaliyadeed iyo kan dhijitaalka ah, waxaana xoojinnay meelo markii hore aan jirinba. Kuwani waa horumarro dhab ah. Hase yeeshee, tallaabadani weli waa mid gaabis ah; sida ay sheegtay World Bank, ku dhowaad 500,000 oo qof ayaa sannad kasta suuqa shaqada soo gala, balse nasiib-darro, waxaa la abuuraa oo keliya 80,000 oo shaqo, taasoo keenaysa in jiil dhalinyaro aqoon leh oo shaqo diyaar u ah ay weeyaan fursado, si fududna ay kooxaha argagixisadu uga faa’iideystaan quustooda. Kobaca dhaqaale ee dalkana waxaa la saadaalinayaa inuu u dhexeeyo 2.3 ilaa 2.8% sannadka 2026, iyadoo ay caqabad ku yihiin hoos u dhaca gargaarka, isbeddelka cimilada, sicir-bararka caalamiga ah, iyo awoodda wax-soo-saarka oo hoos u dhacday.
Waa in jiilkeennu wajahaa is-diiddadan muuqata. Horay baan u soconnaa, laakiin miyaan ku soconnaa xawaare ku filan? Haa, waxaan leenahay hay’ado siyaasadeed, balse ma haysannaa xasillooni? Waxaan nahay dad firfircoon, haddana kumannaan ka mid ah dhallinyaradeenna ayaa weli shaqo la’aan ah. Waxaan leenahay jaamacado, ganacsiyo, iyo shirkado isgaarsiineed oo xiriir la leh bulshada Bariga Afrika, haddana muwaadiniinteennu ma helaan daryeel caafimaad oo lagu kalsoonaan karo, waxbarasho tayo leh, biyo nadiif ah, iyo fursado dhaqaale. Waxaa jirta maahmaah Soomaaliyeed oo fac-weyn: “Dagaal wiil baa ku dhintee, wiil kuma dhasho.” Waxay na xusuusinaysaa in khasaaraha colaadda aan lagu cabbirin oo keliya nafaha baxay, balse sidoo kale lagu qiyaaso jiilal dhan oo laga lumiyay fursadihii nolosha.
Taariikhdeenna ayaa marag ka ah in Soomaalidu awood u leedahay inay doorato dhabbo kale. Arrintan waxay si cad uga muuqatay tallaabooyinkii hore ee dib-u-heshiisiinta laga bilaabo geeddi-socodkii Addis Ababa ee 1993 ilaa Jabuuti iyo shirar dambe oo lagu qabtay Mbagathi, Nairobi, kuwaas oo looga dooday qodobo xasaasi ah sida hub ka dhigista, amniga, dib-u-dhiska, murannada lahaanshaha hantida, iyo qaab-dhismeedka siyaasadeed ee xilligii kumeelgaarka. Hoggaamiyeyaasha Soomaalida ayaa marar badan miiska wada-xaajoodka fariistay, iyagoo ballanqaaday joojinta colaadaha, dhigista hubka, iyo in khilaafaadka lagu furdaamiyo wada-hadal. Dadaalladaasi waxay ina xusuusinayaan in doonista nabaddu aysan nagu cusbayn; waa go’aan aan horay u qaadannay, waana inaan mar kale dhiirranaan u yeelannaa samayntiisa. Hase yeeshee, colaadaha iyo weerarrada xigay waxay caddaynayaan in heshiisku yahay qayb uun ka mid ah xalka; waxaan u baahannahay hay’ado adag, go’aan siyaasadeed oo dhab ah, iyo dadaal daacad ah oo loo maro dib-u-heshiisiin qaran.
Waxaa jira duruus muhiim ah oo laga baran karo dadyowga kale ee soo maray caqabado kuwan la mid ah. Dalka Mozambique, Heshiiskii Nabadda Guud ee 1992-kii ee dhex maray dowladda iyo jabhaddii RENAMO ayaa soo afjaray dagaal sokeeye oo dhiig badani ku daatay oo sannado socday. Wuxuu dhidibbada u taagay hannaan lagu sameeyo hub ka dhigis, dib-u-dhexgalka bulshada ee dagaalyahannadii hore, iyo ka qaybgalka siyaasadda, taasoo waddada u xaartay doorashooyinkii xisbiyada badan ee ugu horreeyay dalkaas sannadkii 1994. Sidoo kale, Heshiiskii Nabadda ee Dhameystirnaa ee Liberia ee 2003 wuxuu noqday barta isbeddelka ka dib sannado badan oo colaado sokeeye oo baas ahi ragaadiyeen. Wuxuu dejiyay qaab lagu joojinayo colaadda, lagu dhisayo dowlad kumeelgaar ah, hubka looga dhigayo maleeshiyaadka, laguna xaqiijinayo dib-u-heshiisiin qaran. Tallaabadaas ayaa aakhirkii horseedday doorashooyin dimuqraadi ah sannadkii 2005 iyo ku soo laabashada dowladnimo dastuuri ah.
Hubka oo la dhigo macnaheedu ma aha in la tirtiro aragtiyaha kala duwan. Dimuqraadiyaddu waxay u baahan tahay aragtiyo kala duwan, nidaamka federaalkuna wuxuu qirayaa in bulshooyinka iyo dhinacyada siyaasadda ay yeelan karaan dano kala duwan. Ujeedku ma aha inaan dhammaanteen isku si wax u fikirno; balse waa inaan dhisnaa hay’ado awood ku filan u leh inay noo saamaxaan inaan iskhilaafi karno annaga oo aan dagaal u dhaqaaqin: ‘Aan wada hadalno waa aan heshiinno.’ Tallaabo tallaabo, Baarlamaanka, maxkamadaha, doorashooyinka, xeerarka dhaqanka, habraacyada dastuuriga ah, iyo wadahadalka siyaasadeed waa inay booska ka galaan qoriga oo ay noqdaan aaladaha lagu furdaamiyo khilaafaadka.
Arrintan waxay sidoo kale u baahan tahay maarayn hufan iyo xakameynta hubka iyo rasaasta. Tilmaamaha Farsamada Rasaasta Caalamiga ah ee United Nations (International Ammunition Technical Guidelines) waxay dejinayaan qaab loogu talagalay kaydinta ammaan ah, maamulka, gaadiid-ku-daabulidda, tirakoobka, iyo baabi’inta rasaasta. Tallaabooyinkani waxay lama-huraan u yihiin ka hortagga in hubka iyo rasaastu u leexdaan dariiqyo sharci-darro ah ayna gacanta u galaan kooxo hubeysan. Soomaaliya waxay sidoo kale qaadday tallaabooyin arrintan la xiriira iyadoo meelmarisay Istaraatiijiyadda Qaran ee Maareynta Hubka iyo Rasaasta 2025–2030, taasoo uu Golaha Ammaanka ee UN Security Council ku bogaadiyay Qaraarkii 2806 (2025). Ballanqaadyadan waa in loo rogo kormeero qaran oo xooggan, isla-xisaabtan, iyo dhaqangelin buuxda.
Sidaas darteed, halbeegga kale ee lagu tijaabinayo jiilkeenna ayaa ah inaan xaqiijin karno amniga dalkeenna. Muddo dheer, ammaanka Soomaaliya wuxuu ku tiirsanaa ciidamada caalamiga ah iyo kuwa Midowga Afrika. AMISOM, oo howlgalkeeda billowday sannadkii 2007 iyadoo haysata in ka badan 22,000 oo askari, ayaa markii dambe isu beddeshay ATMIS, bishii January 2025-na waxay isu rogtay Howlgalka Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya ee Midowga Afrika (AUSSOM). Tani waxay tirada ciidanka hoos ugu dhigtay ilaa 11,826 askari, taasoo ay ugu wacnaayeen hubanti-la’aanta dhinaca dhaqaalaha iyo caqabado xagga hawlgalka ah. Xilligan kala-guurka ah wuxuu wajahayaa imtixaan kale oo culus. Uganda, oo ahayd dalka ciidamada ugu badan uguna muddada dheeraa noo joogay, ayaa billowday inay ciidankeeda kala baxdo dalka, iyadoo cutubkii ugu horreeyay mar hore baxeen, bixitaankooda buuxana la filayo dhammaadka 2027. Tani waxay dhalinaysaa su’aalo adag oo aan laga dhuuman karin: Yaase ku xiga oo baxaya? Yaase joogaya oo muddo intee le’eg sii joogi doona? Waxaase ugu sii muhiimsan, maxay tahay qorshaha Soomaaliya marka dadkii ku dhowaad labaatanka sano na ilaalinayay aysan meesha sii joogin?
Damaca ah in la dhiso nidaam amni qaran oo isku filan waa mid bogaadin mudan, laakiin madax-bannaanidu ma aha wax lagu dhawaaqo oo keliya; waa in la dhisaa lana joogteeyaa. Kala-wareeg amni oo dhab ah wuxuu u baahan yahay inaan helno ciidan qaran oo u hoggaansan dowladda halkii uu ka amar-qaadan lahaa beel ama taliye gaar ah, qaata mushaarkooda waqtigii loogu talagalay, isla markaana ay aaminaan dadka ay difaacayaan. Waxay kaloo u baahan tahay wadajir qaran; lagama filan karo askarteenna inay daafacaan dal uu hoggaankiisii siyaasadeed si weyn ugu kala qaybsan yahay aasaaska maamul-wanaagga. Hoggaamiyeyaasha mucaaradku waxay marar badan ku baaqeen heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, qodobkaasna welwelkoodu wuxuu mudan yahay tixgelin qoto dheer. Ciidanku ma difaaci karo qaran marka hoggaanka siyaasaddu ay ku mashquulsan yihiin loolan gudaha ah, is-dhaafsiga awoodaha, iyo is-faham la’aanta jihada dalku u socdo. Ciidamada amnigu waxay u baahan yihiin hufnaan siyaasadeed, garab-istaag hay’adeed, iyo yool qaran oo midaysan si ay u guuleystaan.
Ugu dambeyntii, ma dhisi karnaa dhaqaale aan gacmaha u hoorsan shisheeye? Jiil si joogto ah ugu tiirsan xawaaladaha, gargaarka dibadda, iyo naxariista dad kale, wuxuu halis ugu jiraa inuu mustaqbalkiisa ku taago tiirar aan adkayn. Xawaaladaha ay soo diraan qurbe-joogteennu waxay daryeeleen qoysas badan, waxay abuureen ganacsiyo, waxayna badbaadiyeen dhaqaalaha. Ganacsatadeennu waxay sidoo kale caddeeyeen waxa ay kartida iyo hal-abuurka Soomaalidu qaban karaan, laga bilaabo kobaca lacagaha moobiilka lagu shubto iyo isgaarsiinta ilaa baaxadda ganacsiga gaarka loo leeyahay. Kaalintani ma aha daciifnimo; balse waa marag muujinaysa awoodda iyo kheyraadka aan leennahay. Hase yeeshee, waa inaan hadda awooddaas u beddelnaa dhaqaale wax-soo-saar leh oo awood u leh inuu dalka daboolo baahidiisa.
Dowladda waxaa saaran mas’uuliyad ah inay abuurto jawi uu ganacsigu ku kobci karo: maxkamado caddaalad ah oo shaqeynaya, heshiisyo la dhaqangeliyo, xeerar la saadaalin karo, kaabayaal la isku halleyn karo, iyo nidaam canshuureed oo caddaalad ah oo ay aamini karaan muwaadiniinta iyo ganacsiyadu. Kobaca dhaqaaluhu waa inuu abuuraa fursado shaqo, kordhiyaa fursadaha nololeed, isla markaana soo saaraa dakhli lagu maareeyo adeegyada bulshada. Dowlad aan si caddaalad ah canshuurta u qaadi karin, isla markaana aan xisaab ka bixin karin sida loo isticmaalo, waxay dhibaato kala kulmi doontaa bixinta xuquuqda askarteeda, macallimiinteeda, iyo garsoorayaasheeda, iskaba daa inay bixiso adeegyadii ay muwaadiniintu xaqa u lahaayeen. Waxayna had iyo jeer ku xirnaan doontaa danaha iyo gacantoo-furashada saaxiibbada shisheeye.
Biyo socdaa biyo fadhiya kiciya. Sidaas darteed, jiilkeennu wuxuu haystaa kala-doorasho. Waxaan noqon karnaa jiilkii ka taga isla dooddii hore, isla qoryihii, isla cawashooyinkii, iyo arrimihii qabyada ahaa ee nalagu wareejiyay, ama waxaan noqon karnaa jiilkii ugu dambeyntii ku dhawaaqa: WAA KU FILAN TAHAY.
Waa ku filan tahay siyaasadda aan tanaasulka aqoon, waa ku filan tahay dhiigga micnodarrada u daadanaya ee laga baaqsan karo, waana ku filan tahay in dhallinyaradu aaminaan in mustaqbalkoodu uu yaallo gudaha Soomaaliya. Waa inaan noqonnaa jiilkii wada-hadalka ka doorta qoriga, hay’adaha sharciga ka doorta shakhsiyaadka iyo qabaa’ilka, aqoonta iyo mudnaanta ka doorta qaraabokiilka, wax-soo-saarka ka doorta ku-tiirsanaanta, dalkana ka weyneeya kooxaysiga.
Uma baahnin inaan wax kasta isku raacno si aan u dhisno Soomaaliya; waxaan u baahannahay oo keliya inaan isla fahamno in Soomaaliya lafteedu ay ka badbaaddo khilaaf kasta, in gacan-ka-hadalku uusan waligiis dhalin karin waxa wada-hadalku keeno, iyo in tanaasulka siyaasadeed uusan ahayn mid hubka u dhiibaya gacmaheenna. Waa inaan sidoo kale wax ka qabannaa khatarta sii kordhaysa ee hubka sharci-darrada ah ee gacanta u galaya dhallinyaradeenna—jiil ay tahay inay dalka dhisaan halkii ay kooxo hubeysan qoran lahaayeen ama ay dhibanayaal u noqon lahaayeen rabshadaha iyo dambiyada. Waa in dhallinyaradeenna lagu qalabeeyaa waxbarasho, xirfado iyo fursado nololeed, ee ma aha hub mustaqbalkooda tirtira. Kala duwanaanshaheenna siyaasadeed, beeleed ama aragtiyadeed, waa inaysan marnaba cudurdaar u noqon burburinta dalka aynu dhammaanteen wada leennahay. Waa inaan wadaxaajoodka, dhismaha hay’adaha iyo danta guud ka doorannaa colaadda, shakhsiyaadka iyo damaca gaarka ah. Jiilka dambe waa inaysan dhaxlin isla colaadihii, isla hubkii iyo ballanqaadyadii aan waligood meel-marin. Waa inaan noqonnaa jiilkii ugu dambeyntii garta inaysan beeli guuleysanayn marka ay Soomaaliya guuldarreysato, isla markaana aysan jirin guul siyaasadeed oo u dhiganta burburka dowladda. Qoryuhu waa inay aamusaan, ma aha sababtoo ah waxaan xallinnay wax kasta oo aan isku khilaafnay, balse waa sababta oo ah waxaan ugu dambeyntii go’aansannay in mustaqbalkeenna uu ka qiimo badan yahay kala-qaybsanaanteenna.
Mr Sadik Warfa, oo ah la-taliye dhanka xiriirka caalamiga ah, maamul-wanaagga iyo shaqaalaha, waa Wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, wuxuuna sidoo kale soo noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo laga soo doortay Gobolka Mudug, Soomaaliya.