Jimco, Luulyo 17, 2026
Muqdisho (AX) — Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay geerida Wasiirkii Difaaca Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed Burhaan, isaga oo ku ammaanay kaalintii uu ka qaatay nabadda iyo amniga gobolka.
Danjire El Hadji Ibrahima Diene, wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa AUSSOM, ayaa tacsi u diray dowladda Jabuuti, ciidamada qalabka sida, shacabka iyo qoyska Burhaan.
“Waxaan murugo qoto dheer ku maqlay geerida Mudane Xasan Cumar Maxamed Burhaan,” ayuu yiri Diene. “Anigoo ku hadlaya magaca AUSSOM iyo magacaygaba, waxaan jeclaan lahaa inaan gudbiyo tacsidayada tiiraanyada leh.”
Diene ayaa sheegay in Burhaan uu naftiisa u huray u adeegidda Jabuuti, isla markaana uu door muhiim ah ka qaatay horumarinta nabadda, amniga iyo xasilloonida guud ahaan Geeska Afrika.
“Intii uu xilka hayay, wasiirka geeriyooday wuxuu dalkiisa ugu adeegay dadaal lagu daydo, wuxuuna waxqabad muuqda ku biiriyay dadaallada nabadda, amniga iyo xasilloonida ee Geeska Afrika,” ayuu yiri.
Madaxa AUSSOM ayaa sidoo kale xusay taageeradii Burhaan uu siin jiray hawlgallada nabadda ee Midowga Afrika iyo ciidammada ay Jabuuti weli ku biiriso AUSSOM.
“Sida ay uga go’nayd nabaddu si wanaagsan ayaa loo xusuusan doonaa,” ayuu yiri Diene.
AUSSOM ayaa sheegtay inay Jabuuti la garab taagan tahay xilligan baroordiiqda, isla markaana ay maamuusayso dhaxalka Burhaan, iyadoo dalka ku tilmaantay saaxiib lagu kalsoonaan karo oo ka qaybqaata dadaallada lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Burhaan wuxuu tan iyo 2019 ahaa wasiirka difaaca iyo arrimaha baarlamaanka ee Jabuuti, isagoo mas’uul ka ahaa siyaasadda difaaca iyo arrimaha militariga.
Kaddib markii dib loo doortay Madaxweyne Guelleh, dhowaan ayaa mar kale xilka loo magacaabay, wuxuuna sii hayay wasaaradda difaaca ee golaha wasiirrada cusub oo ka kooban 26 xubnood.
Burhaan wuxuu hore u soo noqday wasiirka arrimaha gudaha.







