Taliyaha AFRICOM ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay inay hoggaamiso ololaha ka dhanka ah Al-Shabaab si loo sii wado taageerada Mareykanka
MUQDISHO — Mareykanka waxaa weli ka go’an taageerada Soomaaliya, balse Muqdisho waa inay qaaddaa qayb weyn oo ka mid ah mas’uuliyadda xasilinta dalka iyo hoggaaminta ololaha ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah, ayuu yiri madaxa Taliska Mareykanka ee Afrika.
Jeneraal Dagvin Anderson ayaa hadalladan jeediyay intii uu toddobaadkan booqasho ku joogay Muqdisho, isagoo ku nuuxnuuxsaday in Washington ay mas’uuliyiinta Soomaaliya ka filayso inay “dadaalkooda kordhiyaan” oo ay si adag ula wareegaan hoggaaminta dadaallada amniga qaranka.
“Mareykanku kama baxayo Soomaaliya, balse waxaan doonaynaa inaan aragno Soomaaliya oo mas’uuliyad dheeraad ah iska saaraysa ammaankeeda,” ayuu Anderson ku sheegay wareysi uu siiyay weriye Soomaali ah.
Si kastaba ha ahaatee, taliyaha AFRICOM ayaa ka digay in xiisadaha siyaasadeed iyo khilaafaadka gudaha Soomaaliya ay Mareykanka ku adkayn karaan inuu sii joogteeyo heerka uu dalka uga hawlgalo.
“Haddii aynaan taas arki karin… oo xasillooni-darrada siyaasadeed iyo khilaafaadka guduhu sii socdaan, aad ayay noogu adkaan doontaa inaan sii wadno ka qaybqaadashadeenna,” ayuu yiri.
Hadaladiisa ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay weli la tacaalayso khataro amni oo xididdo yeeshay iyo cadaadisyo siyaasadeed, halka ciidamada dowladda iyo saaxiibbada caalamiga ahi ay sii wadaan hawlgallada ka dhanka ah dagaalyahannada Al-Shabaab.
Muddo sannado ah, Mareykanku wuxuu ka mid ahaa xulafada amni ee ugu muhiimsan Soomaaliya, isagoo dalka ku taageerayay tababbar militari, kaalmo sirdoon iyo duqeymo cirka ah oo lala beegsado kooxaha hubeysan, oo ay ku jiraan dagaalyahannada Al-Shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya.
AXADLETM







