Browsing Tag

Beelaha

Qoor Qoor: Dad dano siyaasadeed wata ayaa hurinaya colaadda beelaha Waqooyi Bari iyo Galmudug

 Isniin, Luulyo, 1, 2024 (AX) - Hogaamiyaha Galmudug Axmed Cabdikaariye Qoor Qoor ayaa ku eedeeyay kooxo dano siyaasadeed wata inay ka dambeeyaan hurinta dagaaladii maalmahan gobolka Mudug ku dhex marayay maleyshiyo beeleed kasoo kala jeeda Waqooyi Bari iyo Galmudug.Hogaamiyaha Galmudug waxa uu sheegay dadka siyaasadda ka dhex raadinaya colaadda beelaha walaalaha ah, in ay ka darran yihiin sida uu sheegay, dhibaatada Shabaab ku hayaan bulshada, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la iska xorreeyo.“Labo dhibaato ayaa…

Ugaaska Beelaha Xawaadle oo Maanta lagu Caano shubay deegaanka Daaro Ugaas

Isniin, May, 13, 2024 (AX) - Waxaa Maanta deegaanka Daara Ugaas ee ku yaala duuleedka degmada ee gobolka Hiiraan lagu Caana shubay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ah Ugaaska 21-aad ee beelaha Xawaadle.Munaaaabadda Caana shubka Ugaas Yuusuf ayaa waxaa ka qeybgalay madax sare oo ka tirsan dowladda Federaalka, maamulada Hirshabeelle, Hiiraan State iyo boqolaal kale oo dadweyne ah oo isaga kala yimid dalka gudahiisa iyo Dibaddiisa.Waxaa sidoo kale munaasabada Caano shubka Ugaaska Xawaadle ka qeyb galay qaar ka mid ah…

Ugaaska Beelaha Xawaadle oo goordhaw lagu Caana shubayo deegaanka Daara Ugaas

 Isniin, May, 13, 2024 (AX) - Waxaa goordhaw si rasmi ah loogu Caano shubaya deegaanka Daara Ugaas ee duuleedka degmada Halgan ee gobolka Hiiraan Ugaaska beelweynta Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.Wafuud aad u tiro badan oo ka kala yimid daafaha Caalamka ayaa ka qeyb galaysa munaasabada lagu Caana shubayo Ugaaska beelaha Xawaadle oo haatan ka bilaabatay deegaanka Daara Ugaas oo ah goob u gaar ah Caana shubka Ugaasyada Xawaadle.Masuuliyiin kala duwan ayaa ka qeyb galeysa munaasabada lagu Caana shubayo…

Wafdi uu hogaaminaayo Ugaaska beelaha Xawaadle oo Maanta gaaray degmada Halgan ee gobolka Hiiraan

 Axad, May, 12, 2024 (AX) - Waxaa Maanta degmada Halgan ee gobolka Hiiraan si weyn loogu soo dhaweeyay wafdi balaaran oo uu hoggaaminaayay Ugaaska guud ee beelaha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.Wafdiga Ugaaska beelaha Xawaadle ayaa isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada sida Odoyaal dhaqameed, Culuma'udiin, Dhalinyaro, Haween, Ganacsato, kuwaas oo ka ambabaxay barqanimdii maanta degmada Buula burte oo maalmahii lasoo dhaafay uu ku sugnaa Ugaaska.Ugaaska iyo wafdigiisa ayaa soo dhaweeyn qiimaheedu…

Baledweyne oo si weyn looga dareemayo diyaar garowga xaflada Caleema saarka Ugaaska Beelaha Xawaadle

 Sabti, May, 11, 2024 (AX) - Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa saacadahii lasoo dhaafay soo gaaray inta badan Xildhibaanada Beelaha Xawaadle ku matala Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, Agaasimaha hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe, masuuliyiin kale iyo dad weyne oo farabadan.  Masuuliyiintaan kala duwan ee soo gaaray Baledweyne ayaa u yimid ka qeybgalka xaflada lagu Caleema saarayo Ugaaska guud ee beelaha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More