Browsing Tag

degmada

Dagaal beeleedkii degmada Luuq oo laga soo saaray qodobo muhiim ah

 Jimco, Luulyo, 12, 2024 (AX) - Guddiga xal u helista dagaal beeleedka degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa soo saaray qodobo la xariira xal u helista dagaaladii dhiiga badan uu ku daatay ee degmada Luuq ku dhexmaray todobaadkii lasoo dhaafay laba maleeshiyo beeleed oo halkaas wada dega.Xubnaha Guggiga oo ay horkacayaan Hogaamiye ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya Axmed Cumar Maxamed iyo waxgarad kale oo maalmahaan ku sugnaa…

Wafdi ka socda Jubbaland oo degmada Luuq u tagay xal u helista dagaal beeleed khasaare badan geystay

Talaado, Luulyo, 9, 2024 (AX) - Wafdigaan oo uu hoggaaminaayo madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta gaaray magaalada Luuq ee gobolka Gedo oo maalmahii lasoo dhaafay ka dhaceen dagaal beeleed khasaare geystay.Wafdiga madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Jubbaland, waxaana garoonka diyaaradaha degmada Luuq si weyn ugu dhaweyay maamulka degmadaas iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.Ujeedka wafdigaan u tageen magaalada Luuq ayaa ah ka shaqeynta…

Askarta dowladda oo burburin ku bilaabay Xaafada Dab damiska ee degmada Wadajir

 Isniin, Luulyo, 8, 2024 (AX) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa aroornimadii hore ee Saakay ku jarmaaday Xaafada Dab damiska ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka wadaan fulinta amar dhulkaan looga saarayo dadka dagan.Ciidamada ayaa lasoo warinaya in halkaasi ka bilaabeen burburinta gurayaha ku yaala Xaafada Dab damiska oo ay u adeegsan hayaan gawaarida guryaha burburisa, waxaana sidoo kale jira qoysas badan oo halkaasi isaha barakacaya.Waxaa xiran dhamaan wadooyinka muhiimka ah ee u dhow…

Wararkii ugu dambeeyay dagaal beeleedka degmada Luuq ee gobolka Gedo

 Isniin, Luulyo, 8, 2024 (AX) - Wararka naga soo gaaraya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta xaalad deganaasho ah ay ka jirto, halkaas oo sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ay ku dagaalamayeen laba maleeshiyo beeleed.Deganaashada lasoo warinayo ayaa qudheedu aheyn mid caga badan ku taagan, maadama ay wali is horfadhiyaan ciidamada labada maleeshiyo beeleed ee dirirtu u dhaxeyso.Dagaalka u dhaxeeya labadaan beelood ee sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay socday ayaa sababay dhimashada ku dhawaad 20 ruux oo…

Jubbaland oo sheegtay in ay tallaabo ka qaadayso dadka ku lugta leh colaadda ka taagan degmada Luuq

 Axad, Luulyo, 7, 2024 (AX) - Maamulka jubbaland ayaa digniin u jeediyay dadka  ku lugta leh colaadda ka taagan degmada Luuq ee gobolka Gedo, halkaas oo shalay iyo maanta uu dagaal xooggan ku dhexmaray labo maleyshiyo beeleed.Hogaamiye ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlayay colaaddan, ayaa sheegay cid kaste oo gadaal ka riixaysa colaadda labada beelood in tallaabo adag laga qaadi doono.Hogaamiye ku xigeenku wuxuu sheegay in maamulka Jubbaland uu si degdeg ah uga farriisin doono sidii xal looga gaari…

Faahfaahino kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo maanta markale ka dhacay degmada Luuq

 Axad, Luulyo, 7, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed maanta markale ka dhacay gudaha degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaasoo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo halkaas wada dega.Dagaalka maanta ka dhacay Luuq ayaa ah mid daba socda dagaal labadii maalmood ee lasoo dhaafay halkaas ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan labadaan maleeshiyo beeleed, waxaana lasoo wariyay in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac…

Hogaamiyaha Jubbaland oo digniin adag kasoo saaray dagaal beeleedka degmada Luuq

 Sabti, Luulyo, 6, 2024 (AX) - Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay beelo walaalo ah oo ku dagaalamaya Shalay iyo Maanta degmada Luuq ee gobolka Gedo iney si deg deg ah u joojiyaan dagaalka.Warsaxafadeed kasoo baxay Xafiiska madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu sheegay in dagaalka u dhaxeeya labada beelood inuu sababi karo saameyn hor leh oo la xariirta dhanka nolosha ah.Hogaamiyaha Jubbaland ayaa faray madaxda maamulka gobolka Gedo, kuwa degmada Luuq odayaasha dhaqanka iyo qeybaha…

Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaano hoostaga degmada Xudur

 Sabti, Luulyo, 6, 2024 (AX) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 9-aad ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab kula wareegay tuulooyin hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool.Deegaanada ay ciidanku howlgalada kula wareegeen ayaa ku yaala dhanka Galbeed ee magaalada, kuwaas oo mudooyinkii dambe ay ku sugnayeen kooxda Al-shabaab.Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka ayaa warbaahinta qaranka u sheegay iney kooxda Al-shabaab ay kala wareegeen deegaanada Eedanow iyo Ceelahaley oo ka mid ahaa deegaanada…

Degmada Xuddur oo halis ugu jirta inay gacanta u gasho kooxda Alshabaab

 Khamiis, Luulyo, 4, 2024 (AX) - Alshabaab ayaa qarka u saaran inay la wareegaan Gacanta ku haynta degmada Xudur ee gobolka Bakool, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolkaasi, Maxamed Cabdi Tall. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay soo badanayaan walaacooda xagga amniga.Guddoomiyaha Bakool ayaa walaacaan u sababeeyay hub la’aan, iyo maleyshiyo beeleedyada ku dagaalamaya gobolka Bakool, kuwaas oo uu sheegay inay fursad siinayaan kooxda Alshabaab.Gudddoomiye Tall ayaa dowladda Federaalka ku dhaliilay in ay ka gaabisay adkaynta…

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo Maanta si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

 Jimco, Juun, 14, 2024 (AX) - Wafdi aad u balaaran oo uu hoggaaminaayo Ugaaska Beelaha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaaliif ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Maxaas ee gobolka Hiraan.Boqolaal dadweyne ah oo isaga kala yimid dhamaan degmooyinka iyo deegaanada gobolka Hiiraan iyo meelo ka baxsan gobolka oo Maxaas u joogay maalmahii lasoo dhaafay shirweynaha beesha Cali Hogaamiye uga socday Maxaas ayaa soo dhaweyn diiran u sameeyay Ugaaska.Safarkaan uu maanta Ugaaska Xawaadle ku tagay magaalada…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More