Browsing Tag

Nabadsugida

Taliyaha Nabadsugida Qaranka oo beeshiisa ka dalbaday in dib u bilaabaan dagaalka Al-shabaab

Jimco, May, 31, 2024 (AX) - Waxaa galinkii dambe ee maanta ka furmay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan shirka Nabadda iyo midnimada Cali Hogaamiye oo ka mid ah Beelaha Xawaadle.Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee beesha Cali Hogaamiye sida Nabadoono, Waxgarad, Aqoonyahano, Dhallinyaro, Haweeno, Ganacsato, siyaasiyiin, Xildhibaano Saraakiil iyo masuuliyiin ay ka mid yihii Taliyaha NISA, Hoggaamiyaha Macawiisleyda iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.Shirkaan oo ah mid beeshaasi ay uga tashaneyso…

Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka oo Maanta sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis

 Talaado, May, 21, 2024 (AX) - Agaasimaha hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe ayaa maanta isbadal ku sameeyay hogaanka NISA ee gobolka Banaadir.Taliye Sanbaloolshe ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliyahii hay'adda Nabadsugida ee gobolka Banaadir Muxidiin Warbac, wuxuuna xilkaas u magacaabay Cabdifataax Ibraahim Shaaweeye oo mar soo noqday ku xigeenka hay'adda NISA.Agaasime Sanbaloolshe ayaa sidoo kale Muxidiin Warbac u magacaabay Kaaliyaha Amniga ee Hey’adda…

Nabadsugida Koonfur Galbeed oo gacanta kusoo dhigtay xubno badan oo ka tirsan Al-shabaab

 Khamiis, May, 9, 2024 (AX) - Taliska ciidanka Nabadsugida maamulka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kusoo bandhigay xubno badan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.Xubnahaan ka tirsan Al-shabaab ee lagu soo bandhigay Baydhabo ayaa tiro ahaan gaaraya 12 ruux oo ay ciidamadu kusoo qabqabteen howlgalo ay ka sameeyeen gudaha iyo daafaha magaalada Baydhabo.Xubnahaan ciidanka Nabadsugida Koonfur Galbeed ay soo bandhigeen ayaa la sheegay in Al-shabaab u kala qaabilsanaayeen aruurinta lacagaha ay kooxdu…

Taliyaha Hay’adda Nabadsugida oo si adag uga hadlay dagaal beeleedyada iyo isbaarooyinka la dhigto

Sabti, April, 27, 2024 (AX) - Taliyaha hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedyada kusoo noqnoqday xadka gobolada Hiiraan iyo  Shabeellaha dhexe iyo isbaarooyinka la dhigto.Taliyaha hay’adda Nabadsugida ayaa ugu horeyn ka hadlay dagaal beeleedyada soo laablaabtay, isagoo nasiib daro weyn ku tilmaamay dagaalka u dhaxeeya dadka walaalaha ah ee wada dega labadaas gobol.“Waan ka xunahay waxa meeshaan ka dhacaayo qof Soomaali ah…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More